.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, August 14, 2012

BBC-Somali: War-bixin Ku Saabsan Guusha ''Mo Farah'' *Dhegta maal*


- Oradyahanka caanka ah ee magaciisa la yidhaa Maxamad Faarax (Mo Farah) oo ah nin u dhashay Somaliland, una orda dalka Ingiriiska ayaa sabtidii(11/08/2012) ku gulaystay biladii labaad ee dahab ah ee uu qaado mudo todoba cisho gudahood ah, kadib markii uu Mo Farax orodo caaqiibo leh oo aan hore loo arag oo qiyaastoodu tahay 10000m (10km) iyo 5000m (5km) ku soo bandhigay ciyaraha Olympiga ah ee ka dhacaya dalka Ingiriiska.

Farxada iyo raynraynta ay dareemeen dadka ku nool dalka UK ka-sokow, waxa si aan la malayn karin guusha Mo Farax u soo hoyatay ay u saamaysay dalka Somaliland iyo degaamada kale ee ay degan yihiin dadka af-soomaaliga ku hadlaa, taasoo dadku meel ay joogaanba muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha lamaanaha ah ee uu Mo Farah ku hantiyay, tartankii olympics-ga ee London (Uk) lagu qabtay labadii todobaad ee hada dhamaaday. Waxa dadku ay sameeyeen damaashaadyo iyo isku soo baxyo aad u balaadhan, meelaha wacdaraha laga dhigayna waxa ka mid ahaa magaalada Tog-Wajaale, Hargaysa, Gabiley oo uu Mo Farax dhalasho ahaan ka soo jeedo! Idaacada BBC-Somali oo ka mid ah idaacadaha af-somaliga ku hadla ayaa waraysi ku saabsan arintan la yeelatay orodyahanka Mo Farah, walaalkii, dad ay xigto yihiin iyo dad kale oo badan. Dadkaas oo dhamaantood sheegay sida ay ugu faraxsan yihiin libintaa uu qaaday Mo Farax.

*Dhegta maal*:BBC-SOMALI- Mo Farah

No comments: