.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, July 31, 2012

X/Dhiban Qabile Oo Ururka Al-Islaax Ee Hargeysa Lagaga Dhawaaqay Ku Eedeeyay Xukuumada


“Horta waxa la yaab leh oo Amakaag iyo Fajac-na keentay, waa markii ugu horaysay ee Ururka Al-Islaax lagu dhex-arko isaga oo badheedhaya Somaliland''. Xildhibaan Qabile

- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Ururka Xagjirka ah ee Al-Islaax ee lagaga dhawaaqay Todobaadkii hore Magaaladda Hargeysa ku tilmaamay fadeexad dhabta u saaran Xukuumadda Somaliland, isla-markaana tilmaamay in Mabaadi’da Ururkaasi laga sii daayo TV-ga Qaranka ay tahay arrin tuhun galinaysa in Xukuumaddu ku lug leedahay.

Xildhibaan Qabile ayaa sidoo kale Warsaxafadeedkii ay shalay soo saartay Wasaaradda Warfaafintu ee shaqada ay kaga joojinaysay Wargeyska Hubaal ku tilmaamay mid gef iyo meel ka dhac ku ah Xeerka Saxaafada ee dhaqan-galka ah Xeer Lr 27 2004-kii iyo Madaxbanaanida Distooriga ah ee Saxaafada madaxabanaan, isaga oo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigalinta Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) uga digay inuu faro-galiyo Saxaafada madaxbanaan, ugu-na baaqay inuu Ixtiraamo Xeerka anshaxa Saxaafada Somaliland.

Xildhibaan Qabile oo Shalay Wargeyska Haatuf ugu waramay Hargeysa, isla-markaana aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Warsaxafadeedkii doraad ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta ee digiinta lagu siiyey Wargeyska Hubaal ayaa isaga oo arrimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Kol haddii Wargeyskaasi oo ban-dhigay Ruqsadii ay Xeer-ilaalinta guud ee qaranku ay siisay iyo Sharcigii ogolaanshaha ee Wasaarada Warfaafinta, waa arrin gef iyo meel ka dhac ku ah Xeerka Saxaafada iyo madaxbanaanida Distooriga ah ee Saxaafada Somaliland, Wasiirka Waraafinta-na Boobe Yuusuf Ducaale isaga oo ah Nin Saxaafada Aqoon u leh, waxaan isaga-na uga digayaa inuu faro-gelin ku sameeyo Saxaafada madaxbanaan, waxaanan ugu baaqayaa inuu Ixtiraamo Xeerka Saxaafada”.

Md. Qabile oo aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Ururka Xag-jirka ah ee Al-Islaax ee Todobaadkii hore lagaga dhawaaqay Hotel Ambasaddor ee Magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Horta waxa la yaab leh oo Amakaag iyo Fajac-na keentay, waa markii ugu horaysay ee Ururka Al-Islaax lagu dhex-arko isaga oo Caasimada Somaliland ee Hargeysa intuu ka dhex-badheedhay Mabadi’diidisa iyo Barnaamijyadiisa kaga dhawaaqay, Warbaahinta Caalamka-na ka sii daayey, haddii wax laga qaban-waayo arrinkaasina waa fadeexad Xukuumadda Somaliland dul-hooganaysa, isla-markaana dhabta u saaran”

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo aanu weydiinay sida uu u arko wararka sheegaya in TV-ga Qaranka laga sii daayo Barnaamjiyada Ururka Xagjirka ah ee Al-Islaax, waxa uu yidhi “Taasi waa arrin keenaysa in tuhun Siyaasadeed iyo inay ku lug leedahay Xukuumaddu loo arki-karo”

Maxkamadda Sare Oo Bilowday Dhagaysiga Dacwada Ay Ururadii Ku Hadhay Qiimaynta Ay Ku Soo Oogeen Guddida Diiwaangelinta Iyo UDHIS Oo Soo Ban-dhigtay Cadaalad Darada Ay Ka Tirsanayaan Go’aankaasi

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa shalaya guddo-gashay dhagaysiga Dacwada ay Ururadii hadhay ku soo oogeen Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta Axsaabta Somaliland.

Dacwadan oo uu oo ka gar-naqayey Guddoomiyaha Maxakamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa waxa ay Maxakamaddu si toosa u bilawday dhagaysiga dacwadda taas oo ay shalay lagu bilaabay ururka UDHIS oo ka mid ahaa Sagaalkii urur ee ku hadhay Natiijadii ay Guddida Diwaangelintu ku kala saareen Ururada Siyaasada.

Dacwaddan ayaa waxay salka ku haysaa Ururadan oo sheegay in ay qaadacsanyihiin go’aankii lagu reebay ee ay soo saareen guddida diwaan-galinta, taas oo ku doodayaan in aan guddidu xaq u lahayn kala reebista ururada, Urur-siyaasadeedka UDHIS oo u goob joog ka ahaa Guddoomiyaha ururka Muj. Ibaraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) iyo xubno kale ooka tirsan ururka ayaa waxa la gudagalay dhagaysiga dacwadd.

Dacwaddan oo socotay muddo Laba saacadood ku dhaw ayaa waxa ay garqayaaanada u dooday ururka UDHIS iyo kuwa difaacayay Guddida diwaangellinta oo ka socday xafiiska garyaqaanka guud dawladu labada dhinacba soo bandhigeen caddaymo ay ku doodayaan in ay saldhiga u yihiin dacwaddoodu ayaa waxa la isku dhagaystay labada dhincaba taas oo maanta uun ku koobnayd.

Qareenada u kala doodayey labad dhinac Urur-siyaasadeedka UDHIS ayaa ahaa kala ahaa Musatafe Maxamed, Maxamed Xasan Siciid i, halka ay Guddida Diiwaan-galintan ay difacayeen Garyaqaanka guud ee qaranka Ibraahim Iidle Saleebaan.

Guddoomiyaha Maxakamadda sare ayaa sheegay in ay maxakamadda go’aan ka soo saari doonto dacwaddan, sidoo kale waxa u sheegay guddoomiyuhu in iyagana la dhagaysan doono dacwaddaha ururka Horyaal iyo Jamhuuriga oo ka mid ahaa ururadii ku hadhay Natiijadii Guddida Diiwaangelinta.

Xigasho: Haatuf

No comments: