.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, July 29, 2012

Olympic 2012: Somaliland Inay Ka Qayb gashaa Gar Ahayd Oo Somalia Ka Maqnaataa

  '
'Aan is aqoonsano waa aan wax-is-tarno oo walaalowno, aan is-dafirno-na waa aan is-dhibaatayno oo col-ahaano''! CCX

- Ciyaaraha Olympic-ga ah ee la qabto dhawrkii sanadood-ba mar ayaa ah dhacdo taariikhi ah oo ay aduunyadu ku kulanto, oo tartamo todobaadyo socda oo jaadad badan leh aad iyo aad-na u tayaysan lagu soo bandhigo, kuwaas oo yoolkooda iyo gudoonsigooduba yahay taabista (hanashada) koobabka loo dhigay ciyaaraha ''nin-walooba taagtaa iyo tamartaa waa waxaad ku tartaa''!

In la qabtaa iyo in laga qayb galaa tartankan Olymipc-ahi waxay u baahan tahay dadaal iyo mitidnimo dheeraad ah. Halkan hadaba kaga hadli mayno qabashada dhacdadan ama inad noqoto dalka dunida marti galinaya sida UK (Olympic-2012) oo waa hawl aan wali Africa-ba gaadhine, hadaan u leexsho qalinka dhanka ka qayb-galista; waxa ma huraan ah ugu yaraan in qofka ka qayb-galayaa tartanka caalamiga ah uu caafimaad qabaa! Caafimaad qabka waxa lagu qeexaa caalami ahaa sidan; inaan qofka dhibaato ka haysan jidhka, maskaxda iyo bulshoda ''WHO-definition of Health: Physical, Mental and Social Well-being''.

Bal hadaba marka taasi sal-dhiga caafimaad-qabka tahay bud-dhigna u tahay inuu qof guul gaadho ama hawaystoba, ma kula tahay madasha raga raga ahi isku arkayo in hablaha iyo wiilasha yaryar ee dagaaladu rafaadiyeen ee ka soo qayb-galay Olympic 2012-ka, calanka Soomaaliya (Somalia-italiano) ee dhulkiisu ku caan-baxay Dhagarta, dhiig-daadinta iyo dhibta-na laabta iyo fooda lagaga xidhxidhay ay lib keenayaan? Uma Eeka!

Sidaa darteed, malaha waxa fiicnaan lahayd inay reer Koonfureedku (Somalia-italiano) yaqiinsadaan in dadkii badh lahaa karaamada qaran-nimo ee waxii la isku odhan jiray Somali-republic ee Liisanka ah ay madasha ku galayaan, oo iyagu bashbash iyo barwaaqo ku jiraa gar u leeyihiin inay qaybtoodii helaan oo la isku-ictiraafo laba dal (Somaliland iyo Somalia). Taas oo aan hubo inay Somaliland guulo aan la qiyaasi karin ka keeni lahayd tartanka Olmpic-ga.

Xasuusnoow; ''Aan is aqoonsano waa aan wax-is-tarno oo walaalowno, aan is-dafirno-na waa aan is-dhibaatayno oo col-ahaano''!

Cali Cumar Xasan.

No comments: