.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, July 29, 2012

Gud. Akadamiyada Hidaha & Dhaqanka Puntland Oo Hargaysa Kula Kulmay Siyaasiyiin Beeshooda


- Gudoomiyaha Akadamiga Hiddaha iyo Dhaqanka maamul goboleedka Puntland Abwaan Axmed Sheekh Jaamac oo socdaal ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa ka hadlay ujeedada safarkiisa Hargeysa iyo waxyaalaha soo jiitay muddadii uu dalka ku sugnaa, kaas oo sidoo kale sheegay in dadka ku hadla Af-somaliga iyo caalamkaba ay Somaliland kaga daydaan waxyaabo badan oo uu ku arkay bandhigii buuggaagta ee dhawaan lagu soo bandhigay Hoolka hay’ada shaqaalaha ee Hargeysa.

Abwaan Axmed Sheekh Jaamac ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulamo uu la yeeshay masuuliyiinta xukuumada iyo golayaasha Somaliland kaga jira beelaha Harti iyo xubnaha kaga jiray xukuumadihii hore, isagoo dhinaca kalena ka hadlay shakhsiyadooda iyo waayo-aragnimadooda siyaasadeed. Gudoomiyaha Akadamiyada Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo kamid ah aqoonyahanada magaca weyn ee ka soo jeeda gobolka Sool oo aanu shalay xogwaraysi khaasa kula yeelanay magaalada Hargeysa, kaas oo dhinacyo badan uu kaga hadlay ayaa waxa uu u dhacay sidan:-

S: Waa maxay ujeedada aad Hargeysa u timid wakhtigan xaadirka ah?

J: Waxaan kasoo qaybgalay bandhigii Caalamiga ahaa ee buuggaagta ee dhawaan lagu qabtay Hargeysa, waxaanan abaal badan u hayaa Jamac Muuse Jaamac iyo Ayaan Maxamuud Cashuur oo sanadkan iyo kii horeba igu soo casumay inaan ka soo qaybgalo kulan maskaxeedkaasi, aadka u qiimaha badan, waxaan ku nuuxnuxsanayaa abaalka gaarka ah ee aan u hayo Ayaan Maxamuud Cashuur oo 20-kii October 2011-kii igu casuuntay kulan dhaqameedkii Somali week Festival oo aan kaga qaybgalay London

S: Ka waran bandhiga buuggaagta ee aad Hargeysa kaga qaybgashay?

J; Wuxuu ahaa kulan maskaxeed aad iyoaad u qiimo badan, dadka ku hadla afsomaaliga iyo aduunka kaleba waa inay Somaliland waxbadan ka bartaan, waxaa qiimo aad u qoto dheer leh naadiyada akhriska oo Somaliland ku baahisay gobollo badan. Laybareeriga wareega. Kulan maskaxeedka caalamiga ah ee buuggaagta, tartanka qoraalada ee dhalinyaradu soo bandhigayaan abaalmarintanalagu siinayo, qoraaladoodana loo daabacayo, markii aan ilaa kal hore akhriyay buuggaag ay qoreen dhalinyarada Somaliland kuwo badan oo mahadnaq iyo dhiirigalin ku siinaya shirado ganacsi oo ay ugu horayso shirkada Dahabshiil,waxaana ugu baaqay inay ganacsatada waaweyni dhiiri galiyaan qoraalada dhalinyarada iyo suugaanta dhalinyrada ee ka turjumaya wakhtiyada cusub, waxaanan aad uga faa’iiday maskaxo aan hore u aqiinay, kuwo kale oo cusubna waan ku bartay, buuggaag ku dhaw soddona waan ka iibsaday.

S: Maxaad u soo jeedin lahayd ee ku saabsan bandhiga caalamiga ah ee buuggaagta?

J: Waxaan jelaan lahaa in hogaanka Somaliland wasiirada, baarlamaanka, saraakiisha ciidamada, aqoonyahanada,madaxda jaamacadaha inay akhriyaan qoraalada dhalinyarada si maskaxuhu u wada socdaan.

S: Waxyaalaha aad Somaliland ugu bogtay muddadii aad joogtay maxaad nooga sheegi kartaa?

J: Joornaalada badan ee ka soo baxa dalka, waxay donaan ha kugu quraaciyaane, dhay, dhanaan, ciir xataa suyuc laga soo shubay weel aan la culin ama geed xun lagu camcamiyay.

S: Madaxda dawlada Somaliland yaad kala kulantay intii aad joogtay Hargeysa?

J: Waxaan la kulmay oday qaybe, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee wakiilada Baashe Maxamed Cade, wasiirka ganacsiga, wasiirka gaashaandhigga, deegaanka, hawlaha guud, wasiir ku xigeenak arrimaha gudaha, xildhibaan Xamse Gaadaweyne, wasiiradii hore ee cadaalada Casoowe, isgaadhsiinta Cali Sandulle, la taliyaha arrimaha bariga ee madaxweynaha Fu’aad Aadan Cade iyo Cabdi Guray iyo Cabdi Nuur iyo rag badan oo ku jira labada gole ee Baarlamaanka, inkasta oo aan gafay cid badan oo aan rabay inaan la kulmo.

S: Madaxdaa aad la kulantay maxaa kaaga muuqday, iyagoo qaar badan dhawaan siyaasada ay soo galeen ?

J: Dhamaantood waa wada khubaro adigaa moodayee bal oday qaybe halkaa iska dhig, Baashe Maxamed Cade, C/risaaq khaliif dawdar iyo Cismaan Garaad Soofe saddexdooduba waxay ahaayeen ganacasato waaweyn, ganacsadaha weynina waligii wxuuu ku jiraa hogaanka siyaasada, wasiir Maxamuud Siciid-na wuxuu Prof. dhiga culuunta siyaasada intii aanu dawladii Siyaad Barre wasiirka ka noqon. Wasiirka gaashaandhiguna Axmed Xaaji Cali Cadami waa nin afartan sano ayaanu ku jiray maamulka siyaasada, waana khabiir sharciga caalamiga ah ee baddaha, waxaanu xidhidh toos ah la lahaa hay’ada baddaha calamia ah ee IMO, Xaabasadena wuxuu loolanka siyaasada dhex galay 1962kii, isagoo markaas ahaa sarkaal da’yar.

S: Sidee buu isagoo sarkaal da’yara u dhexgalay siyaasada xilligaasi?

J: Wuxuu mucaaridad ula badheedhay siyaasigii dhulbahante xiligaas ugu sareeyay dhanka xooga siyaasada oo ahaa wasiir Cali Garaad Jaamac, oo uu mucaarid ku ahaa ilaa Cali ka dhacay Baarlamaankii Axmedna uu ahaa ragii wax laga saarayay, waxa kale oo ay Axmed isku dhaceen Maxmaed Siyaad Barre isagoo Axmed Hogaaminayay ururkii SPM ee mucaaridka ahaa ee lagu aasaasay guriga Axmed Cabdi Xaabsade, waxa kale oo ay isku dhaceen maxruun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Cabdillaahi Yuusuf Yey iyo boqor Cade Muuse

S; Maxaad nooga sheegi kartaa dabeecadaha Xaabsade ee keenay intaas oo madax ah ay isku dhacaan?

J; Waan is moodayaa inaan garanayo sababta aan kuu fasiro waxa arrinkaas yaabka leh ka dambaysa Axmed waa ina Cabdi Xaabsade awoowgii maxamuud Sugulle waxa uu ka mid ahaa ragii arlada nugaal godan caanka ka noqday intii aanu Sayid Maxamed Cabdille Xasan Nugaal ku habsan, maxamuud Sugulle wuxuu ahaa nin aad u caanbaxay ahna dagaalyahan oo khaarajiya nin kasta oo ay dagaal iskugu soo baxaan, isla markaana khayrka wanaaga iyo samo falka jecel, isla markaana aan u dulqaadan jirin dhurwaa dhurwaa kale ka gardaran, Axmed awoowgii Maxmauud Sugule ayuu ka dhaxalay dabcigaasi,

S: Madaxda Somaliland ee aad aragtay waa dhinac kaliya maxaa sababay, ta kale Somaliland ma ku leedahay saaxiibo kale oo aan beeshaada ka soo jeedin?

J; Runtii wakhtigaa igu yaraa saaxiibo kale oo suugaanyahano ah oo badana waan leeyahay abwaanada reer Somaliland waxaan u jecelahay qaasim gabayadiisa, daaroodkana waxaan u jecelahay Dhoodaan.

S: Adigu suugaanta dhankee ayaad kaga tirsan tahay?

J: Gabayga waxaan ka dhaxlay, hooyaday hooyadeed iyo ayayday aabaheed iyo awoowyaasheed-ba dhamaantood waxay ahaayeen reer Karin Bebere

Axmed Sheekh Jaamac isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Dawlada Muqdisho ka jirta ee musumqaasuqa badan laga sheegayo haddii ay habka maamulka hanti dhawrka maamulka Puntland kaga daydaan waxani kumay dhaceen”

Xigasho: Haatuf

No comments: