.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 21, 2012

Somaliland Iyo Somalia Oo 8-Qodob Ku Heshiiyay!


- Shirkii labada cisho ka socday guriga 'Chevering House' ee ku yaala duleedka London ee ay ku wada hadlayeen ergooyin ka kala socday labada dal ee kala ah jamhuuriyada diimuqaadiga ah ee Somaliland iyo Somalia ayaa galabta si rasmi ah loo soo gebo-gabeeyay. Waxaana shirkaasi laga soo saaray bayaan ka kooban 8 qodob oo la xidhiidha iskaashiga ay labadda dal wada yeelan doonaan mustaqbalka.

Shirkan waxa qodobadda ka soo baxay si wada jir ah u soo dhaweeyay wufuudii ka socotay labadda dhan (dal), waxaana ka mid ahaa qodobadii laga soo saaray;

1. In ay Somaliland iyo Somalia iska kaashadaan dhinacyadda Nabad-gelyadda, la dagaalanka Budhcad-badeeda, argagixisadda, kalluumaysiga sharci darradda ah.

2. In nabad lagu hagaajiyo isku socodka xuduudaha labada dal ay yeelan doonaan mustaqabalka. Qodobadda kale ee baaqa shirkan laga soo saaray waxa ka mid ahaa.

3.In Beelsha caalamku ay ka shaqeeyso gargaarka Somaliland iyo Somalia.

4. In labada Madaxweyne ee JSL iyo Somaliya ay dhawaan ku kulmaan sadexda dal ee Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Swizerland midkood.

5. In isla markaana ay wada xaajoodka labadda dhinac intooda badan ay sii axadhaan marka ay isku yimaadaan.

6. In wada hadaladdu ay sii socdaan oo la sameeyo Guddi farsamo. Waxa kale oo lagu heshiiyay.

7. In Dawladda Somaliya ay ka gudubto marxaladda ku meel-gaadhka ah.

8. In khubaro dhanka qaanuunka, dhaqaalaha iyo amaanka ah ay u yeedhaan labada dhinacba

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland Md. Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkan iyo go’aamaddan ka soo baxay, waaxana uu tilmaamay in kulankani uu ahaa mid hordhac ah. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Somaliya MD. C/Samad Macalin Maxamuud, ayaa isna sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadaladan oo uu ku sifeeyay kuwo hordhac ah oo la sii ambo-qaadi doono.

Guddoomiye-Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda JSL Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna shirkan ku macneeyay mid ku dhammaaday jawi wanaagsan.

“Waxaan u arkayay shirkan fursad fiican, waana markii u horeysay ee JSL iyo Somaliya is horfadhiistaan muddo 21 sanadood ah. Waxa shirka ka soo baxay baaq sideed qodob ka kooban oo aanu dhammaantood ku heshiinay,”. Ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.

Guddoomiye-Ku-xigeenka koowaad ee Wakiiladda JSL oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray, “Waxaanu ku faraxsan nahay inaanu anagoo siman oo laba dawladood ah ( JSL iyo Somalia ) is hor-fadhiisano oo wax is weydiino.”. Ayuu ku soo koobay hadalkiisa Md. Baashe..

Ergadda JSL waxa hoggaaminayay ergadii shirkan uga qeyb gashay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ahaa Guddoomiye-Ku-Xigeenka koowaad ee Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md. Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Md. Maxamuud Axmed Garaad.

Somalia waxa u matelayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Md. Cabdisalam Macalin Maxamed Mohamed, waxaana xunbo ka ahaa Wasiirka Waxbarashadda Axmed Caydiid Ibraahim, Safiirka Somalia u fadhiya Jabuuti Md. Cabdi Xuseen Guul-wade iyo laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi oo kala ah Md. Xuseen Xasan iyo MD. Maxamed Xasan Aadan.

SL Media/Somalilandpatriots

No comments: