.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 27, 2012

Siilaanyo Iyo Sh. Shariif Oo Ku Kulmaya Dalka Imaaraadka-Carabta *Dhegta-maal*


- Madaxweynaha jamhuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland Md. Axmed Maxamad Maxamuud ''Siilaanyo'' ayaa maanta u amba-baxaya dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta, si uu ula kulmo oo ay u wada hadlaan madaxweynaha maamulka ku meelgaadhka ah ee dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya Md. Shariif Sh Axmed. Dhinaca kale, waxa habeenkii xalay ahaa madaxtooyada dalka Somaliland lagu qabtay, xaflad lagu waynaynayay oo lagu maamuusayey sanadguurada 52aad. ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimada ka qaadatay dalka Ingiriiska oo ku beegnayd bishu markay ahayd 26-kii Juun 1860-kii.

Intaasi uun ma aha ee waxa jira war kale oo ay idaacada Somali-voa baahisay oo odhanaya sidan; ''Dalka Masarna, waxa ka furmay tababar loo qabanayo saraakiil ka kala socota wasaaradaha arrimaha dibadda ee Somalia iyo Somaliland, iyaga oo halkaas lagu bari doono dhinacyada xiriirka caalamiga ah, borotokoolka, iyo qeybo kale.

*Dhegta maal*

No comments: