.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, June 20, 2012

Shirkii Wada-hadalka ee Somaliland iyo Somalia u Dhaxaeeyay Oo Bilaabmay *Dhegta maal*


- Waxaa si rasmi ah maanta uga furmay dalka Ingiriiska gaar ahaan-na deegaanka Kent ee duleedka London wadah-adaladii loo balansanaa ee u dhexeeyay DKMG iyo jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland sida ay idaacada Somali-VOA ka soo xigatay Mas’uul ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee dalkan Britain. Kulamaddan ayaa ka soconaya dhismaha qadiimiga ah ee Chevening House oo kamid ah goobaha lagu qabtay kulamadda siyaasadeed ee gaarka ah.

Labada wafdi ee DKMG iyo Somaliland waxaa ay isugu jiraan Siyaasiyiin, Wasiiro iyo Xildhibaano ay kala hogaaminayaan Wasiirka Amniga iyo Arrimaha gudaha ee Dawladda KMG Cabdisamad Macalin Maxamud iyo wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Dr. Max'ed C/laahi Cumar. Waa markii ugu horraysay oo labadda dhinac ay kulan yeeshaan muddo 20 sano ah, waxaana uu daba socdaa shirkii London lagu qabtay 23 February oo qodobadii kasoo baxay lagu muujiyay in ay DKMG iyo Somaliland ay ka heshiiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyo xiriirka ay yeelanayaan

*Dhegta maal*

No comments: