.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, June 26, 2012

Police-ka Somaliland Oo Qabtay Dadkii Toogashada Ku Dhaawacay Gud, Maxkadamada G/Hargaysa


''Falkaa lagu dhaawacay gudoomiyaha maxkamadu waxa uu la xidhiidhaa, kiiskii uu gacanta ku hayay ee raashinka la musuqmaasuqay'' Gen. Fadal

- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in ciidanka Police-ka Somaliland uu gacanta ku dhigay cidii geysatay falkii isku dayga dil-kaa ahaa ee dhaawaca halista ahi uu 11/06/2012-ka ka soo gaadhay gudoomiyihii maxkamada g/Hargeysa Md. C/Rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan).

Isaga oo taliyuhu ka hadlaya sidii ay taasi ugu suurta gashay ciidamada Poilce-ka Somalilandna waxa uu yidhi;  “Waxa aan maanta halkan idiinku sheegayaa in aanu arrin qaranka iyo bulshadda Somaliland-ba ay sugayeen ay si guul ah noogu soo dhammaatay,  taasi oo ahayd inaan gacanta ku soo dhiga cidii  falka isku dayga dilka ahayd ku dhaawacday gudoomiyihii maxkamadda g/Hargaysa Md. C/Rashiid Maxamed Maxamuud (Duraan) 11-kii bishan haatan aan ku jirno''!.

Laga bilaabo markii falkani dhacay waxa Ciidanka Boolisku ay ku jireen baadhis wayn oo aad iyo aad u qoto dheer oo ay kiiskan ku daba-joogeen, iyaga oo sameeyay xuuraan badan iyo dabo-gal si ay cida dhabta ah ee dambiga gaysatay u helaan. Waxaan idiin sheegayaa inaanay ciidanka Boolisku ka weecan raadkii ay bilowgiiba heleen. Waxana Police-ku baadhitaankooda ka dib uu ku qancay cidii lagu tuhunsanaa inay falkaasi gashay kuwa ay yihiin, horena waxa noogu xidhnaa dad sideed qof ah oo ku eedeysnaa inay falkaasi ku lug lahaayeen. Xidhiidho Police-ku la sameeyay odayaal laba dhinac ah iyo dad kale oo reer Somaliland ah ka dib, waxa Police-ku ka hawlgalay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii falkaasi geysatay. Nasiib wanaag maanta oo ay bisha June tahay 26 waxa noo soo gacan geliyay dadkii la tuhunsanaa odayaashoodii”

Taliyaha ciidanka Police-ka Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal waxa uu sheegay in falkaasi gudoomiyihii maxkamadda lagu dhaawacay oo la xidhiidha kiiskii uu gudoomiyaha maxkamadu baadhayay ee ahaa raashinkii la musuqmaasuqay. Ugu dambayntii taliyaha ciidanka Police-ku waxa uu u mahad celiyay ciidankii Police-ka ee ka hawl-galay kiiskaasi.

WYL-News

No comments: