.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, June 21, 2012

Noobiyad iyo Minwaar Prof. Cabdisalaam Yaasiin


- Noobiyadda xeebta badda ku taalaa waa agab aan laga maarmin oo haga gaadiidka badda. Marka hore. Iftiinkeeda ayaa xeebta badda ka duwa maraakiibta iyo doonyaha. Marka labaadan, iftiinku tilmaamo kala duwan, oo sida gaadiidka berriga oo kale kala haga kuwa badda, ayuu u diraa gaadiidka xeebta ag maraya ama doonaya in uu dekedda noobiyad ku taalo ku soo xidho. Waxa dhacday markab minwaar ah oo ciidanka baddu leeyahay in uu xeebta ku soo dhawaaday. Noobiyaddii ayaa tilmaan iftiina, oo sheegaysa halka ay ku taalo iyo inta uu minwaarku u jiro, u dirtay.

Naakhuudihii minawaarka ayaa tilmaan u celiyay oo ku yidhi, “Waad mahadsantahaye, iga baydh.” Noobiyaddii ayaa u celisay, “Adoo mudan, adigu baydh”. “Minwaar baan ahay oo xoog baan u socdaaya baydh,” ayuu u celiyay naakuudii. “Waxan ku idhi badydhi maayee adigu baydh,” ayay ku tidhi noobiyaddi. Naakhuudihii ayaa intu xanaaqay u celiay, “Waxan ahay minwaar ciidanka badda ah, oo diyaarado saaranyihiin, oo hub culis saaranyahay, oo ciidan weyn saaranyahay, oo xoog u soconaya. Markaa, ugu dambaystii, amar ayaan kusiinayaa waa inaad baydhaa!” Noobiyaddii ayaa u celisay, “Waxan ahay noobiyaddii, oo xeebtii ku taala, oo ann dhaqaaqayn, oo shaqaale yari maamulayo, ee amar kama damabysa ayaanu ku siinaynaa waa inaad baydhaa!” Ilayn dani seeto weeyee, noobiyaddii yarayd ma baydhin; minwaarkii xoog weynaa ayaa degdeg u baydhay!

W/q: Prof, Cabdi-salaam Yaasiin

No comments: