.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, June 26, 2012

Geed Dheer iyo Godob: Prof, Cabdi-salaan Yaasiin


''Halkan hoose ka akhri sheekooyin gaagaaban oo xiiso leh oo dhawr ah oo uu qoray prof, Cabdi-Salaam Yaasiin''

- Gorogor iyo dawaco ayaa muddo dheer jaar wanaagsan oo geed ku wada nool ahaa. Gorgorku wuxu ku noolaa geedka guudkiisa oo uu buul ka samaystay. Dawacaduna hoostiisa ayay god ka samaysatay. Labaduba dhal bay haysteen oo geedka ku korinayeen. Gorgorkii ayaa maalin dhashiisii u ugaadhsi tegay. In badan haddii uu maqnaa oo uu cuno heliba ah oo dhashii u geeyo raadiyay ayuu ku hungoobay. Marka uu isaga oo faro madhan ku soo dhowaaday geedkii dhashu u taalay, ayaa waxa ku soo dhacday in uu dawacada ilmaheedii mid la duulo oo dhashiisa gaajoonaysa u geeyo.

Dareenkii ayuu fuliyay oo dawacda dhasheedii ayuu mid la booday oo geedkii guudkiisii ula duulay. Dawacadii oo god keedii ag joogta ayaa weerarka jaarkeedi ku soo qaaday carrurteedii aragtay. Kor hadday eegtayna waxay aragtay in uu ilmaheedii mid qaatay. Inta aanu gorgorkii delin oo googaynin dawacadii dhasha ahayd ee uu qaatay, ayay dawacadii bariday gorgorkii oo ku tidhi, “Waa ku waaga aad cuntada u doonayso oo kale eh, hayga delin ilmaha ee iisoo celi oo ilaali xaq jaarnimada.”

Ilayn ubad gaajoonaya ayuu cunto u helaye, gorgorkii waa iska dhega tiray baryadii dawacada. Dawacadii markiiba qorshe ay ku badbaadiso ilmaheedii ayay dejisay. Dab ka baxaayay meel geedka ay deganaayeen ku dhow ayay qori ka soo qaadatay markaasay geedkii ku qabatay. Markiiba, ololkii iyo qiiqii ayaa gaadhay guudkii sare ee dhashu u taalay gorgorka. Naftiisii iyo naftii dhashiisaba wuu baqay.

Intii aanu ololki so gaadhin buulkiisii, ayuu u soo dejiyay dawacada ilmaheedii oo bedqabo oo soo ag dhigay. “ Dayo, gaajo ayaa na madax martay oo falkan xun igu keliftay ee raali ahaw oo dabaka aan wada bakhtiino yaanu dhamaanteenba in wada gubine ayuu gorgorkii ku gunaanaday sheekadii! - Dhamaad.

----

Sheeko: Ri & Dacawo Is-kaashaday (W/q: Prof, Cabdi-salaam Yaasiin)

- Dawaco aad u haraadan oo meel ay ka cabto raadinaysa ayaa waxay ku soo baxday ceel gaaban oo biyo ku jiraan. Ceelka biyuhu daafaha ma joogaan; afka la gaadhi mayso si ay u cabto. Waxay la noqotay in ay sida keliya ee ay ku cabi karaysaa tahay in ay ceelka ku dhacdo iyada oo qiyaastay in aanay biyuhu liqaynin. Ka dibna ceelkii ayay ku dhacday oo biyihii ka hirqatay.

Markay biyihii ka dheregtay ayay damacday in ay baxdo. Kor bay eegtay. Markaasaa waxay aragtay in aanay ceelka qarkiisa kor ugu boodi karaynin. Iyada oo ka dib markii ay biyihii ka dheregtay dhibtaas weyni ka hortimi, oo ka fekeraysa sidii ay uga bixi lahayd ceelka, ayaa waxa ceelkii isa soo dul taagay ri’ iyana aad u haraadan.

Dawacadii markay ri’dii aragtay ayay riyaaqday oo markiiba qorshe ay ceelka kaga baxdo madaxeeda ku soo dhacay. Ri’dii ayay ku tidhi, “Miyaad haraadantahay?” “Aad iyo aad baan u haraadanahay.” Ayay u celisay ri’dii. “Maanshaa Allaa,” ayay tidhi dawacadii, “biyo qabaw oo macaan ayaan halka kuugu hayaa soo gal ceelka.”

Ri’di ceelkii ayay gashay markaasay biyihii ka hirqatay. “Alaylehe, waa biyo qabaw oo macaan.” Ayay ku tdhi dawacadii. “Sow kamaad dhergin?” Ayay weydiisay Dawacadii. “Si wanaagsan.” Ayay u celisay ri’dii, “Aad baad u mahadsantahay in aad biyahan igu soo dhowaysay.”

“Hadaba aan baxno.” Ayay tidhi dawacadii. Ri’dii baa kor eegtay markaasaa waxay aragtay, inkasta oo aanu ceelku dheerayn, hadana in aanay, sidii dawacaduba horteed aragtay, ku boodi karaynin ceelka qarkiisa oo ka bixi karaynin. Inta ay dawacadii ku jeesatay, ayay ku tidhi, “Sidee baynu ceelka uga baxnaa?” Dawacadii ayaa tidhi, “Anaa talo haya.” “Waa maxay taladaasi?” Ayay weydiisay ri’dii.

“Taladu waxa weeye,” ayay u celisay dawacadii, “adiga ayaa dhirta fanta e, in aad ceelka gidaarkiisa lugahaa hore saarto oo aad is kala bixiso. Marka aad si wanaagsan isu kala bixiso, ayaan dhabarkaaga ku boodayaa. Ka dibna, ceelka qarkiisa ayaan ku boodayaa. Dibedda haddii aan u baxona, inta aad sidii hore lugaha u soo fidiso, ayaan lugaha ku soo qabanayaa oo aan dibedda ku soo dhigayaa.”

“Waa qorshe aad u fiican.”Ayay tidhi ri’dii. Inta ay gidaarkii ceelka u jeesatay, ayay lugahii ku kala bixisay. Dawacadina degdeg ayay dhabarkeedii ugu booday. Ka dibna ceelka qarkiisii ayay ku booday oo dibeddii u baxday. Markay dibeddii isku hubsatay, ayay Ri dii hoos u soo eegtay. RI’dii baa ku tidhi, “hadaba anna aan soo baxo e, lugaha I qabo.” “Raali ahaw,” ayay tidhi dawacadi,”waqti kuu ma hayo oo hawlo badan oo aan ka raagay intii aan ceelka ku jiray ayaan ku degdegayaa!!!”- Dhamaad.

---

Sheeko: Kaluumaystihii Heesay (W/q. Prof. Cabdi-Salaam Yaasiin)

- Kaluumayste hoobal ah oo ciyaarta iyo miyuusiga jecel ayaa kaluumaysi tegay. Huudhigiisii ayuu kaxaystay. Haddii uu badweynta dhexdeeda iyo halkii uu kaluunku ku badnaa joogo, ayaa waxa ku soo dhacday in maanta kaluunka u heeso oo codkiisa macaan maqashiiyo, weliba, safaarad uu sitayna ugu daro oo u garaaco. Hadduu sidaa yeelona, waxa uu filayay in uu kaluunku ku soo ururo oo codkiisa macaan iyo safaaraddana ku ciyaaro. Ka dibna uu kaluunka oo ciyaaraya oo isla maqan, kolba hal gacanta ku soo qaado oo huudhiga ku rito.

Sidii ayuu yeelay. In muddo haddii uu heesaayay, safaaraddiina garaacayay, ayaa kaluunkii soo ururi waayay. Wuxuu arkay in uu waqti badani socday oo goor dambe joogo; wax kaluun ahna aanu haynin. Heestii iyo safaaradiina waxba u soo jilaabi weyday.

Isaga oo ka xun in uu waqti badini ka tegay, kaluunna aanu heynin, ayuu agabkiisii iyo tabihiisii uu weligiiba ku kuluumaysan jiray dib ugu noqday. Shebekadiisii ayuu ku tuuray baddii. In yar ka dibna, kalluun badan ayuu ku soo qabtay oo huudhigii ku soo ritay.

Isaga oo aan u heesin safaaradna u garaacin, ayaa kaluunku huudhiga dhexdiisii ku cayaaray. Kaluumaystihii inta uu kaluunkii eegay ayuu ku yidhi, “ heestii aan kuu tumay ku ciyaari weydee: ma tab iyo xeelad baan idiin tumay, oo tabtaan doonayaa is tuurtuurteen!!!”- Dhamaad.

No comments: