.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, May 25, 2012

Wasiirka Cadaalada Somaliland Oo Laga Waraystay Heshiiska Somaliland iyo Mauritius


Hargeysa (Jam) - Wasiirka Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa ka hadlay heshiis la xidhiidha maxaabiista budhcad-badeedda oo dawladda Mauritius (Muriishiyas) oo ka mid jasiiradaha xeebaha Badweynta Hindiya ee koonfur/bari qaaradda Afrika hore u sheegtay inay la saxeexatay dalka Somaliland, dawladda Sheekh Shariif iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Md. Xuseen Axmed Caydiid oo Jamhuuriya khadka telefoonka kula xidhiidhay shalay, ayaa wax ka weydiiyey waxa ka jira war Jimcihii toddobaadkan ka soo baxay dawladda Muriishiyas oo lagu sheegay inay Somaliland, Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland la saxeexatay heshiish la xidhiidha dacwad ku qaadista iyo maxkamadaynta kooxaha budhcad-badeedda ah, waxaannu wasiirku tilmaamay in aannu wax war ah ka hayn, isla markaana aannu waxba ka ogayn heshiishka Muriishiyas sheegtay inay la gashay Somaliland.

“Kama war hayo heshiishkaas aad sheegayso, mana ogi anigu heshiish Somaliland la gashay dawladdaas (Muriishiyas) aad ka hadlayso,” ayuu si kooban u yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

Wasiirka oo la weydiiyey su’aal ahayd ‘Wasiir, dawladda Murishiyas ayaa warbaahinta ku faafisay inay heshiish la xidhiidha arrimaha budhcad-badeedda la gashay Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland, arrintaas miyeydaan dawlad ahaan ka warqabin? Waxa uu Md. Caydiid ku jawaabay; “Aniga dawladda ha igula ordine, waxaan ku idhi anigu ma ogi wax heshiis ah oo lala galay ciddaa aad sheegayso.”

Heshiishkan Wasiirka Caddaaladda Somaliland sheegay in aannu waxba ka ogayn, waxa Jimcihii toddobaadkan shaacisay dawladda Muriishiyas oo sida lagu baahiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters sheegtay inay heshiis la xidhiidha dacwad-ku-qaadista iyo maxkamadaynta kooxaha budhcad-badeedda ah la gashay Somaliland, Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Puntland si wax looga qabto dhibaatooyinka budhcadda baduhu ku hayaan marinnada gaadiidka badda ee caalamiga ah.

Maamulka dalka jasiiradda yar ah ee ku yaal Badweynta Hindiya ee Muriishiyas waxa uu caddeeyey inay si rasmi ah u oggolaadeen sidii waddankooda loogu maxkamadayn lahaa dadka looga shakiyo inay budhcad-badeed yihiin, isla markaana dhaqangalka heshiiskaasi bilaabmayo bisha June ee sannadkan 2012, iyadoo dawladda Somaliland hore u saxeexday in jeelasheeda lagu hayo budhcad-badeedda lagu xukumo dalalka caalamka.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: