.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, May 25, 2012

Somaliland Oo Lagu Soo Casuumay Shirka Turkey Lana Siiyay Meeqaam La Mid Ah Kii London


- Xukuumada Somaliland ee madaxda uu ka yahay madaxweyne Axmed maxamed Maxauud Siilaanyo, ayaa si rasmi ah loogu soo casuumay shirka arrimaha Soomaaliya ee Stanbul, iyadoo Somaliland lagu marti qaaday meeqaam la mid ah kii shirkii London. Sida Jamhuuriya ku heshay xog dhab ah oo kasoo baxday wasaarada arrimaha dibadda ee Turkiga, waxa qoraalkaasi lagu xusay in inkastoo aanay dowlada Turkigu aqoonsanayn, haddana lagu qaabili doono weftiga Somaliland uga qaybgali doona protocol ahaan mid la mid ah kii shirkii London ee bishii February. Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalkaasi in xukuumada Somaliland arrimaha uu kale hadli doono wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Prof Dr Axmed Davutoglu oo lagu wado inuu kullan la yeesho xukuumada Somaliland dhawaan.

Ma jiro wali xog dhab ah oo kasoo baxday dhinaca xukuumada, hase yeeshee waxa la filayaa in shirkaasi ay Somailand uga qayb gali doonaan wasiiro sar sare oo ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, hase yeeshee madaxweyne Siilaanyo aanu tagi doonin. Waxaanay xukuumada Turkiga si gooni ah uga wada hadli doonaan sidii Somaliland qayb uga heli lahayd kaalamada Turkigu ugu tallogaleen Somaliland iyo Soomaaliya.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: