.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, May 26, 2012

Shir Lagaga Hadlayay Qadiyada Somaliland Oo Lagu Qabtay Baarlamaanka Yururb Ee Brussels (Belgium)


- Shir lagu darsayay qadiyadda Somaliland ayaa shalay ka furmay Caasimada Waddanka Biljam ee Brussels. Shirkan oo ka furmay xarunta Baarlamaanka ee wadanka Biljam, waxa ka qayb galay mudanayaal tiro badan oo mid ah Baarlamaanka Yurub. Shirkan waxa kale oo ka qayb qaadanayay Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) , Xildhibaan C/qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, Drs. Edna Aadan Ismaaciil iyo qurbajooga Somaliland ee u dhaq dhaqaaqa aqoonsiga ay Somaliland beesha caalamka ka doonayso.

Xubin ka mid ah siyaasiyiinta reer yurub oo madashii shirka ka hadlay ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa Somaliland magaceeda iyo wax qabadkeena laga baranayo dunidda daafaheeda, waxaanu xusay in uu dhaqaalaha iyo maalgashigu sii kordhaya Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay warshada cusub ee SBI ee Coca-Cola ee uu todobaadkii tagay xadhiga ka jaray Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo). Siyaasigani Waxa uu ka hadlay oo kale fursadaha aqoonsiga ee Somaliland isaga oo sheegay in ay siyaasad ahaan ay Somaliland guulo taariikhi ah gaadhay,waxaanu hoosta ku dooday dhibaatooyinka argagixisada iyo budhcad badeedda ee la dariska ah oo u baahan sida uu xusay inay beesha caalamka ka hesho taageero buuxda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay shirkaasi ayaa tafasiil ka bixiyay xaaladda guud ee Somaliland iyo marxaladihii ay soo martay 21-kii sanadood ee ay dib ugala soo noqotay madax-banaanideeda midowgii burburay ee Soomaaliya. Guddoomiyuhu wuxuu baarlamaanka Yurub u soo jeediyay inay Somaliland ka taageeraan sii xoojinta dhinacyada adkaynta gedi-socodka dimuqraadiyadda, nabad-gelyadda, dhaqaalaha iyo aqoonsiga.

Gudoomiyuhu wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyaay in Somaliland iyo Somalia ay kala ahaayeen laba wadan oo isku biiray, iyadoo ay Somaliland raadinaysay xiligaasi sida uu carabaabay Midnimo shantii Soomaliyeed oo noqotay riyo aan rumoobin.Md. C/Raxmaan Cirro, waxa uu ka sheekeeyay hadimooyinkii ummada Somaliland midnimadaas oo aakhirkii keentay in madax banaanid Somaliland 21 sanno ka hor ay dib ula soo noqotay taas oo waafaqsan dhamaanba mabaa’diida aayo ka talinta iyo axdiyada qaramada midoobay.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Marwo Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo iyana ka hadashay madashii Shirkaasi ka jeedisay hadal ayaa sheegtay sida ay muhiim u tahay in loo ixtiraamo xuduudihii Isticmaarku sameeyay, waxaanay tilmaantay in dadka Somaliland ee ay ka soo jeedo qaarkood ay ku nool yihiin xuduuda aynu la wadaagno dalka Itoobiya,iyadoo xustay in Somaliland ay ixtiraamayso xuduudka Itoobiya oo la sameeyay sida ay sheegtay 1883-kii.

Drs Edna waxay ku dooday in Somaliland tahay dalkii 3 aad ee 53 dal ee afrika xuriyadiisa qaatay. waxa ay aad ugu dheeraatay taariikhda Somaliland iyadoo intaas raacisay in Somaliand hoy ugu noqotay isla markaana caawisay dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan ee ka yimaada Somalia. Marwo Edna waxay ku dooday in dalabka aqoonsi ee Somaliland aanu ahayn mid ay ka dhalanayso cuqdad iyo cadaawad ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed hasa yeeshee uu ka turjumayo xaqa ay ummada Somaliland u leedahay aayo ka talintooda.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil JIrde oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ayaa sheegay inuu muddo laba iyo toban sano ah ka mid ahaa aqalkaasi kana soo qabtay xillal kala duwan sida gudoomiye ku xigeen isla markaasina uu ahaa gudoomiyihii gudigii qoraaalka dastuurta Somaliland ku dhaqanto,waxaanu iftiimin ka siiyay madaxdii kala duwanayd ee shirkaas ka qayb qaadanaysay hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay iyo qaabka loola kala wareego xukunka.

Xigasho: Somaliland.org

No comments: