.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 28, 2012

Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland iyo SHANTA QAARADOOD


'' Yes We-Can''. Eng. Hussein

- Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Rabbigeenna Weyn ee inaga dhigay dad Muslim ah ee weliba inaga dhaliyey ummadda aynu nahay ee Jam. Somaliland. Waxaan hambalyo iyo bogaadin baaxad leh u dirayaa dhammaanba ummadda Sharafta iyo Karaamada leh ee Jam. Somaliland, gudaha dalka iyo daafaha duniba, taasoo aan ugu hambalyeynayo sida dadnimada iyo dal-jacaylkuba ku dheehanyahay ee ay u xurmeeyeen una xuseen maalinta Qarannimadeena ee 18-ka May.

Waxa ah dhacdo caajaa’ib ah habka iyo qaabka ummadda Jam. Somaliland ay u xusaan una xurmeeyaan maalinta Qarannimada ee 18-ka May taasoo ayna cidna la wadaagin oo ay gebi ahaanba kaga duwan yihiin ummadaha kale. Bal u u fiirso muwaadin, ummadda Jam. Somaliland waa ummadda keliya ee awoodda u leh inay maalinta qarannimadooda uga dabaal-degaan SHANTA QAARADOOD ee Dunidu ka kooban tahay!! Arrintani waxay ka dhigtay 18-ka May inay noqoto dhacdo bulsho oo caalami ah (Worldwide event).Tusaale ahaan sannadkan 2012-ka waxaa qabsoomay in ka badan 60 xafladood oo looga dabbaal-degayo laguna xusayo 18-ka May, kuwaasoo ka dhacay in ka badan 40 dal oo ah daafaha dunida oo dhan:

1. Africa: Somaliland, Djibouti, Ethiopia, Sudan, Uganda, Kenya, Tanzania, Zambia, South Africa iyo Egypt.

2. Asia: Malaysia, Indonesia, Philipine, China, India, Pakistan, Turkey, Saudi Arabia, Kwait, Qadar, UAE, Bahrain, Yemen.

3. Europe: UK, France, Belgium, Holland, Germany, Switzerland, Austria, Italy, Ukarain, Malta, Finland, Norway, Sweden iyo Denemark.

4. North America: USA iyo Canada

5. Autralia & New Zealand: Australia iyo New Zealand.

Haddaba, awoodda iyo kartida intaa leeg ee ummad iyo dal aanay dunidu weli aqoonsani ay u leeyihiin inay maalinta qarannimadooda sidaa u weyneeyaan waa arrin muujinaysa kartida, talo-wadaaga iyo tayada sare ee ay leeyihiin ummadda Jam. Somaliland, taasoo u suurto gelin karta wax kasta oo ay dan moodaanba.

Dhinaca kale, ha noqoto u diyaar-garawga, abaabulka, isku duba ridka iyo kharashka ku baxaya xuska maalinta Qarannimada ee 18-ka May, ma jirto cid ka caawisa ama ka taageerta ee dhammaanba iyaga ayaa bixiya. Ku darsoo weliba, mudnaanta iyo karaamada ay leedahay maalinta 18-ka May waxa ka markhaati ah waa maalin waxtar iyo dhaqaale badanba laga helo gudaha dalka iyo dibaddiisaba, oo xataa ummadaha kale ee aan Somaliland u dhalani ay ka si dadban iyo si toos ahba uga faa’iidaan.

Tusaale ahaan waxaa suuq xaamiya leh iibka astaanta Calanka, dharka kala duwan rag iyo haweenba ee ay ku xardhan yihiin astaamaha qaranka, maabka dalka, renjiga (casaan, caddaan iyo doog), warqadaha lagu dhejiyo baabuurta iyo gidaarrada (stickers), renjiga saddexda midab ah ee wejiga la mariyo, madbacadaha iyo xarumaha wax lagu daabaco iyo waxyaabo kale oo badan.

Sidoo kale, meel kasta oo ay tahayba, waxa iyaguna suuq aad u weyn leh baabuurta iyo basaska la kiraysto, Hoteellada iyo Hoolalka (Party Halls) xafladaha lagu qabto, meelaha haweenka iyo habluhu isku qurxiyaan. Xuska Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland ee 18-ka May waxaa kobca suugaanta iyo hal-abuurnimada oo heeso, gabayo iyo geeraaroba ay abwaanadu u hibeeyaan maalintan qiimaha leh. Waxa iyaguna daba-qabsi noqda heesaaga, codeeyaha, kuwa muusiga tuma iyo inta ku xeeran.

Ha ka tegin, warbaahinta nooc kasta oo ay tahay 18-ka May (dhawr cisho ka hor iyo ka dib-ba) waxay u tahay fursad dahabi ah oo ay dhaqaale badan ka helaan, kuna muujiyaan kartida iyo xirfaddooda warbaahineed. Ugu dambayntii, shirkadaha telefoonnada ayaa iyaguna hela suuq wanaagsan maadaama uu isticmaalka telefoonnadu kor u kaco (gudaha dalka iyo dibeddaba).

Ummadda awoodda intaa le’eg leh ee dunida oo dhan uga dabaal-degaya maalinta qarannimadooda, fikir ahaan waxaan aaminsanahay inaanu aqoonsigu waxbaba kala maqnayn, mar haddii ay iyagu isku aqoonsan yihiin inay yihiin Qaran iyo Ummad jirta oo la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

TALO SOO JEEDIN:

Muwaadiniinta sharafta iga mudan, garanay oo is hoga tusaaleynay inay ummadda jam. Somaliland ay yihiin ummaddaa leh awoodda intaa le’eg ee suurto gelisay inay Shanta Qaaradoodba uga debaal-degaan maalinta Qarannimada. Haddaba miyaanay habboonay in awoodda intaa le’eg si kalena looga faa’iideysto oo fikirka loo bedelo ficil oo loo jeesto dib u dhiska dalka hooyo oo loo wada dhan yahay.

Haddaba, fikirkayga iyo aragtidayda kooban waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in sannad walba 18-ka May ka hor, shanta qaaradood laga abaabulo saddex (3) maalmood oo kala duwan (tusaale ahaan 3-dii biloodba mar) oo loogu magac daro Maalmaha Waxtarka iyo Taageerada Qaranka Jam. Somaliland JSL, sida tusaale ahaan:

- Maalinta taageerada Waxbarashada JSL,

- Maalinta teegeerada Caafimaadka JSL iyo

- Maalinta taageerada Ciidamada iyo Naafada qaranka JSL.

....(Ama wixii kale ee kolba la isla af-garto)

Ogsoonow muwaadin, sida xuska 18-ka May oo kale, ka qayb qaadashada waxtarka dalkaagu waa arrin kugu waajib ah meel kasta oo aad dunida ka joogto, aakhiro iyo adduunkana waxtar kuu leh.

''Wa Billaahi Tawfiiq, Somaliland Guul iyo Horumar''

By Architectural-Eng Hussein Adan Igeh
(Hussein Deyr)

United Kingdom

No comments: