.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, May 30, 2012

BOQORKII BUKOODAY!- W/q: Prof. Cabdi-salaam Yaasiin


Sheeko:- Sida sheekooyinkeena dhaqanku tilmaamaan, habardugaaga boqorkooda waa libaax. Libaaxa waxa loo boqray wuxu leeyahay tilmaamu u gaar ah oo uu kaga mudnaaday habar dugaaga intiisa kale, sida awood, geesinmo, garasho, iyo dulqaad. Waa tilmaamaha hogaanka wanaagsan ee aan dad iyo duunyadu ku kala baydhin. In kasta oo uu awood badan leeyahay, boqorka habardugaagu waa noole. Noolahana waxa caado u ah in uu gaboobo ama bukoodo. Bokorkii Libaax ahaa waxa isugu darsamay gabaw iyo bukaan. Wuxu naftiisii u sheegay, “Gabaw dawo ma laha eh; bukaanka waa in aan dawo u helaa.”

Raciyadiisii habardugaag ayuu isugu yeedhay. Wuxu yidhi, “Waad aragtaan oo haddaan boqorkiinii ahay waan bukaa. Haddii aan bukaanka ku raagona ma talin karayo. Markaa waxan doonayaa in dawo aan ku bogsado lay keeno.”

Habardugaagi xagii kaynta ayuu u dhaqaaqay oo dawo ugu doonay boqorkooda buka. Shabeelkii oo geed dawo ah sida ayaa ugu soo horeeyay. In muddo ah ayuu boqorki geedkii cunayay; waxbase waa ka tari waayay. Waraarbihii baa geed kale keenay. Kiina in muddo ah ayuu qaadanayay; isna waxba waa tari waayay. Wiyishii ayaa iyana geed kale keentay. Kiina mudduu qaatay; isna waxaba waa tari waayay. Maroodigii ayaa isna mid kale keenay; kiina waxaba waa ka tari waayay. Xataa, dabagaalihii, oo lugu tilmaamo in uu geedagooye yahay, ayaa isna geed keenay. Kiina waxba waa tari waayay.

Boqorkii oo bukaanki ku sii waarayo oo itaal daro ka muuqato, ayaa waxa ishiisi ku dhacday dacwadii. Isaga oo hadalku dirqi kaga soo baxayo, ayaa wuxu ku yidhi dacawadii, “ Dayooy, adiga ayaa fiicni lugu bidaa, maxaad dawo aan ku bogsado iigu keeni wayday?”

Dayo waxoogaa ayay hoos u foorarsatay oo fekertay. Ka dibna boqorkii ayay kor u eegtay oo waxay ku tidhi, “ Boqor, dawadaadi hadaan helay.” Boqorkii oo yididiilo gashay ayaa soo hinqaday oo yidhi, “ Waa maxay dayooy dawadu?” Dayaa waxay tidhi, “Boqor, dawadaadu waa maskax dameer!!!”

Boqorkii oo yididiilo sii gashay ayaa dayo ku yidhi, ‘’ Waad i aragtaa oo waan gaboobay, oo waan bukaa ee side baan dameer u soo qaban karaa?” Dayaa tidhi, “Aniga laftaydu ma soo qaban karo oo wuu iga itaal roon yahay. Hasa yeeshee si uu u yimaado oo aad u qaban kartid ayaan hayaa.” “Waa maxay sidaasi?” Ayuu weydiiyay boqorki. “Sidaasi waxa weeya, in aad baaq soo saarto oo aad tidhaa haddii aan boqorkii habardugaag ahay waan bukaa. In aan bukaankaa u dhintona waa laga yaabaa. Hadaba, inta aanan dhiman, boqortooyada waxan ku wareejinayaa dameer.”

Boqorki baaqii ayuu sii daayay. Dayona dameerkii ayay u gaysay oo ku tidhi, “Taajkaa lagu saarayaa oo boqorka ayaa gacantiisa kugu saaraya ee ina keen.” Dameerkina waa soo raacay oo boqorkii ayuu u yimid.

Boqorkii ayaa dameerkii ku yidhi soo dhowow aan taajka ku saare. Dameerkii ayaa soo dhowaad oo luqunta soo dhigtay. Inta uu wuxu uu awood lahaa isu geeyay ayuu boqorki ku booday dameerkii oo luqunta kala jebiyay. Ka dibna madaxiisii ayaa laba dhambal laga kala dhigay si maskaxdii boqorka dawaynaysay looga soo saaro. Hasa yeeshee, markii madaxii dameerka la kala jibiyay, maskaxba waa laga waayay!!!

Boqorkii oo halkaa ku hungoobay ayaa dacawadii ku jeestay oo yidhi, “Dayooy! Maxaa dhacay!? Meeday maskaxdii dawada ii noqon lahayd!?” Dayo waxay tidhi, “Boqor, Waan ka xumahay in aynu ku hungownay tijaabadaas. Bal se, hadaad dhinaca kale ka eegtid, ha kaa maqnaato dawo maskax dameer. Maxaa yeelay, haddii uu dameerkii maskax leeyahay, marka horeba madaxa muu soo dhigteen. Boqor, xaalkeenu waa bese, aan boqortooyada u nabaadiino xidhno.”

W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

No comments: