.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 21, 2012

Abaanduulaha Ciidamada Qaranka: Garaadada Dhulbahante Way Ku Wacad-fureen Gogoshii Nabada Ee Madaxweynahu Fidiyey, Cali Khliif-na.....


- Abaanduulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) ayaa sheegay in Garaadada beesha Dhulbahante iyo siyaasiga Somaliland diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh ee jooga magaalada Muqdisho ee Somalia ay ka ambadeen dalka Somaliland ee bulshadoodu ay ku Abtirsato, waxaanu tilmaamay inaanu marnaba filaynin in Cali Khaliif Galaydh wixii kaga dhacay Xamar xilligii uu ahaa Raysal-wasaaraha Cabdi Qaasin Salaad Xasan inuu mar labaad shacbiga ku dhaqan deegaanada gobolka Sool iyo Buhoodle uga gacan haadin doono dalka Somalia.

Abaanduule Cabdillaahi Calas waxa uu intaa ku daray in Garaadada beesha Dhulbahante iyo Cali Khaliif Galaydh ay u toobad keenaan dalka Somaliland oo uu sheegay in masiirka bulshada Dhulbahante iyo maslaxadoodu ay taalo, Garaadada beeshoodana waxa uu ku dhaliilay gogoshii wada hadalka ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo fidiyay inay baal mareen

Kornayl Cabdilaahi Xaaji Jaamac Calas ayaa sidaasi ku sheegay qaybtii labaad ee warqada uu u diray kooxda Khaatumo Seeg iyo Garaadada beesha Dhulbahante ee u Socdalay magaalada Muqdisho, kaas oo aanu qaybtii kowaad idiinku soo gudbinay cadadkii Haatuf ee Axadii todobaadkii hore.

''Qaybta labaad ee qoraalkaasi oo uu na soo gaadhsiiyay Cabdillaahi Calas waxa ay u qornayd sidan”

Qaybtii labaad ee Il-duufka Siyaasadeed ee Shirkii Taleex

“Waxaan su’aalo ku waydiinayaa 1. Garaadada beesha Dhulbahante 2, Dr Cali Khaliif Galaydh.

Garaadada waxaan leeyahay, Mudanayaal Gar waa loo wada Islaam, nin Ilaahay wax iskugu kiin daray oo dal iyo dawladnimo-na uu idin wadaajiyay oo aad wax ka tabatay, dabadeedna garwaaqsaday oo kuu fidiyay gogol lagaga wada hadlo tabashada iyo siyaasada Aayaha dalkaba in lagu gacan saydho ma daw-baa? idinkase Madaxdhaqameedyo ahaan ma meeqaamkiinaa.

Dr Cali Khaliif Galaydhna waxaan leeyahay horta anigu marnaba maan filayn inaad maanta Xamar nooga gacan haadiso maxaa yeelay waa tii shalay adigoo Ra’iisal wasaare ka ah oo hawl ugu maqan dalka Maraykanka ay Baarlamaanka reer koonfureedka oo xubnaha Daaroodku ay horkacayaan ay kaa xayuubiyeen xisaanadii oo xataa kuu quudhi-waayay inaad goob-joog ka noqoto fadhiga xilka lagaga qaadayay.

Hadaba hadal iyo murti maqaalkii aan xilligaa qoray ee aan Internet-ka galiyay ee Cinwaankeedu ahaa “Buur-dhaab Guuxeedii la soo noqotay” ee ujeedadeedu ahayd mid aan ku qeexay in Jiilka cusub ee reer koonfureed ee siyaasada ku soo biiray ay ka garasho iyo garsoorba xun yihiin kuwii 1960-kii, kuwaas oo aan waxgaradka reer Somaliland ugu baaqay inay waxa gudahooda yaala dib u dhigtaan, isla markaana ay Aayo ka talinta dalka isla meel dhigaan, maantana joogitaanka aad Xamar Joogtaan waxba uga soo kordhin maysaan dalkiina.

Maxaa yeelay waxba uma yaalaan Xamar, xuquuqda shacabka Sool iyo Buuhoodlena Somaliland bay taalaa, laakiin Muqdisho iyo meel kale toona ma taalo, hadaydin masiirkooda ka shaqaynaysaan kaalaya uga doona Somaliland gudaheeda ayuu yaalaa masiirka dadkiinuye”.

Xigasho: Haatuf

No comments: