.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, April 18, 2012

Idaacad Wayn Oo Dalka Soo Gaadhay!


- Dekeda Magaaladda Berbera ayaa waxa soo gaadhay idaacad weyn oo dalka wada gaadhi doonta, taasi oo xukuumadu ka soo iibisay dalka dibadiisa si ay dadka reer Somaliland ugu helaan idaacad laga hanuuniyo. Qalabka Idaacadan weyn oo ku jirta Koontiinar ayaa saddexdii maalmood ee u dambeeyay yaalay dekeda Magaaladda Berbera, iyadda oo la filayo in maalmaha soo socda laga soo qaado halkaasi si loogu rakibo xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland ee Hargeysa. Imaanshiyaha idaacadan oo wali xukuumaddu aanay ka hadal ayaa shacabka reer Somaliland qaarkood u qaadan la’yihiin inay timid idaacad weyn oo dalka wada gaadha, iyagga oo taasi sabab uga dhigaya in labaatankii sanadood ee u dambeeyay lagu maaweelinayey in la keenayo idaacad weyn oo dalka wada gaadha, taasi oo guud ahaan xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray ay ku guuldareysteen inay keenaan, iyadda oo sidaas oo kale labadii wasiir ee wasaaradda warfaafinta uga horeeyay wasiirka hadda jooga ay in badan ku celcelin jireen inay keenayaan idaacad weyn balse ay in badan dib ugu dhacday.

Idaacadan waxa kale oo ay noqon doontaa mid lagu wacyi-galiyo dadka deegaanada bariga Somaliland ee intii Somaliland jirtay,  iyagu aan maqal idaacad ku hadlaysa codka Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilanders

No comments: