.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, April 25, 2012

“Hadii Mar Walba Lagu Baac-Sado Oo Aad Tidhaahdo La Hadli Maayo Somalia Taasi Waa Diciifnimo, Bulshaduna...


- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Wada-hadalka xukuumadda Somaliland qaadacday ee la filayey inay la yeelato dawladda TFG-da ee Soomaaliya, kaas oo tilmaamay inay lagama maarmaan tahay inay wada-hadal dhexmaro labada dawladood. Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo Haatuf xalay khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Magaaladda Hargeysa, kaas oo si mugleh uga hadlay qaabka ugu haboon ee Somaliland iyo Somaliland u wada-hadli karaan, isla markaana tilmaamay inaanay haboonayn in wada-hadalka labada dhinac lagu soo daro Maamulka Puntland, maadaama oo ay hoostagto dawladda TFG-da ee uu hogaamiyaha ka yahay Sh. Shariif.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu sidoo kale tibaaxay in bulshadu xaq u leedahay inay dhaliilaha xukuumadda ay sheegaan, shacbiga u soo jeediyey inay dhaliilaha xukuumadda ay u jeediyaan ay noqdaan kuwo ay toosinayaan maamulka jira, waxa kale oo uu ka hadlay tabashada ururada siyaasada ee iyagu hadhay, kaas oo tilmaamay inay xaq u leeyihiin in laga qanciyo tabashooyinkooda, waxaanu ka digay in khilaafaad khalkhal ku keena dalka ay ku kacaan ururadaasi. Ugu horayna Abwaan Hadraawi isaga oo ka hadlaya sida uu u arko wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi;

“Waan taageersanahay inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanan waliba jeclaa inaanay cid saddexaad soo dhexgalin oo aanay odhanin wada hadla, waana wax loo baahan yahay wakhtigan inay labada dhinac wada hadlaan oo dhinac waliba mawqifkiisa sheegto, waana daciifnimo hadii aad tidhaahdo anigu cid la hadli maayo oo aad garan waydaba cida ay wax iskaga kiin jiraan. Mida kale Qofka waxaad doontaba isku qabo oo waxa fiican inaad wada hadashaan oo aad mawqifkaaga iyada oo la wada arkayo aad cadaysato, waa taas ta ay raganimada iyo dadnimaduba ku jirtaa, laakiin hadii mar walba lagu baacsado oo aad tidhaahdo la hadli maayo Soomaaliya taas dhaliil ayaa ku jirta”.

Abwaan Hadraawi mar uu ka hadlayey rabitaanka shacbiga Somaliland, waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland ku nool isaga ayaa Ikhtiyaarka leh, mana jirto cid odhan karta xaq aad leedihiin cid kale uga tanaasula, laakiin sida aan sheegay Soomaalida mushaakil ayaa ku dhacay oo dhibaatooyin badan ayaa dhacay oo wali raadkoodii sii jiraa oo ma jirto Soomaali isku calool fayoobi, taasina waxay keenaysaa inay dadkani qaataan mawqifkaas gooni isku taaga. Markaa su’aashaadaas waxaanu ku daynayaa dadkani go’aanka Mustaqbalkooda iyagaa awal iyo aakhirkeedaba iska leh oo sidaan u sheegay cid ku dirqiyi karta arinkaas ka joogsada ma jirto, markaa Somaliland shacbigeedu iyaga ayaa aayahooda Ikhtiyaar u leh laakiin anigu waxaan jeclahay in wakhti walba ha dhacdo meeshay doontana ha ka dhacdee in la wada hadlo oo dhinac waliba muraadkooda sheegtaan”.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) mar wax laga waydiiyey qaabka ay u wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya iyo in ay haboontahay in Maamulka Puntland lagu soo daro wada-hadalka labada dhinac, waxa ku jawaabay “Sida ay iila muuqato wada hadalku cida la rabo inuu dhexmaro waa Somaliland oo Waqooyi ah iyo Soomaaliya oo Koonfur ah, marka aynu xaqiiqda ka hadlayno-na Maamulka Puntland waxa uu ka mid yahay oo uu hoos tagaa dawladda TFG-da ee Soomaaliya, inta aynu ognahayna waa qaabkaas qaabka uu caalamku soo jeediyey inay u wada hadlaan labada dhinac”.

Hadraawi isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya sida uu u arko dhaliilaha xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo loo soo jeediyey mudadii ay jirtay, waxa uu yidhi “Mudada ay dawladdani jirtaa waa mudadaas kooban ee aynu wada ognahay, mida kale kolay waxa is barbar yaala dhaliil iyo amaan, labaduna waa kuwo dawlad walba ku dhaca oo dadka qaar waxay odhanayaan waxaas ayey xumaysay, halka kuwo kalena ka odhanayaan waxaas ayey toosisay. Bulshadu xaqbay u leedahay in wixii xukuumadu xumayso ay sheegaan oo ay ku dhaliilaan, laakiin waa in dhaliilahaasi noqdaan kuwo aan ku koobnaan maagis ee ay noqdaan dhaliilo wax lagu toosinayo oo wax lagu saxayo, markaa waa mihiin in wixii la khaldana la sheego wixii la saxana lagu hambalyeeyo cidii saxday”.

Ugu danbayn Hadraawi oo ka hadlay tabashada ururada hadhay, waxa uu yidhi “Inkasta oo arimaha ururada ee aad i waydiisay aanan la socon oo aanan waxba kala soconin oo aan ogayba qorshaha xataa lagu talo galay ee ururadii tartamayey ay ku hawlgaleen, inkasta oo aanay jirin cid odhanaysa balaayo ha dhacdo laakiin aniga mawqifkayga arintaas aad i waydiisay ku aadani waa in cidii wax tabaysa la qanciy oo wixii cabasho ah ee jirta in la islo eegaa waa marin sax ah, oo waa in muwaadin kasta oo wax tabanay arintiisa hoos loo eego, laakiin anigu in dhibi ay dhaco oo arintaasi dab inagu huriso oo dadkan Ilaahay uun ogyahay arinkooda in la isku dulqabsado marna ma jecli”.

Xigasho: Haatuf

No comments: