.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 20, 2012

Axmed Ma'xed Aadan ''Qaybe'' Oo Cambaareeyay Cali Khaliif Galaydh


“Cali Khaliif Galaydh waxuu caddeeyay inuu xaq u leeyahay xubinimada gudigaas isagoo ku faanaya shahaadada PhD ee uu ka qaatay jaamacad derejada saddexaad ah. Wuxuuse illow sanyahay inuu xukuumadii..''. Mudane Axmed Qaybe

- Guddoomiyihii golihii hore ee wakiilada Somaliland Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa si adag u naqdiyay siyaasadda Dr. Cali Khalif Galaydh ee ku waajahan deegaanada Beesha Dhulbahanate iyo weliba aragtidiisa wada hadalka Somaliland iyo Somaliya.

Sida uu Daabacay Wargeyska Geeska Afrika, Mudane Qaybe wuxuu sheegay in inkastoo uu Cali Khaliif sheego inuu aaminsanyahay Somaliweyn, haddana haddii loogu yeedho inuu madaxweyne xigeen labaad ka noqdo Somaliland, la arki doono isagoo difaacaya jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland. Mudane Axmed Qaybe, wuxuu muujiyay inuu ka xunyahay inay reer Buhodle noqdeen dad qof walba u nuqul. Qoraalkaasi wuxuu u dhignaa sidan:

“Waxaan la yaab sanahay afar bug laha Cali Khaliif ee sheeganaya maamul gobaleed aan jirin. Sharciyada adduunku ku dhaqmo ayaa tilmaamaya meeshii dawladi ama maamul goboleed ka tirsani ka jirto ay leedahay dhul la yaqaan ( recognized territory).

Mr. Cali khaliif wuxuu ka xanaaqay labada masuul ee ka soo jeeda beelaha sool iyo sanaag bari ee sheekh shariif ku magacaabay xubno ka mid ah gudida Somaliya uga qayb geli doonta wada hadalka Somaliland. Cali Khaliif waxuu caddeeyay inuu xaq u leeyahay xubinimada gudigaas isagoo ku faanaya shahaadada PhD ee uu ka qaatay jaamacad derejada saddexaad ah.

Wuxuu illow sanyahay inuu xukuumadii Cabdi Qaasim uu Raysalwasaare ka ahaa isagoo Daarood oo dhan metelaayey hankii loo qabay ku fashilmay oo Barlamankii Somaliya kalsoonidii kala noqday.

Cali Khaliif wuxuu reer sool siiba degaanka Buuhoodle ku noqday gantaal laga soo ridey Maraykan dhimasho iyo dhaawac tobanaan dhallinyaro ah sababay inkastoo uu yidhi somaliwayn ayaan u dhimayaaa siday Waheen 16/4/2012 qortay , haddii madaxwayne ku xigeen labaad loogu yeedhi lahaa isagoo ordaya ayuu Hargeysa imaan lahaa oo ku baaqaya madax banaanida Somaliland inay muqadas tahay.

Waxaan ka xumahay inay reer Buhodle noqdeen dad ninka doonaaba ku shaqaysan karo oo si fududna dagaal u gelin karo.”

Somalilanders

No comments: