.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 31, 2012

Tijaar Reer Hargaysa Ah (Somaliland) Oo Ugu Deeqday Ethiopia Lacag Ka Badan $100,000(boqol kun oo doolar)!


 ''C/qaadir Xaashi Cilmi waxa uu ku yaboohay lacag dhan $50,000 (konton kun) oo dollar'''

- Munaasibad balaadhan oo maalgalin loogu ururinayey Dhaamka Afrika ugu weyn oo laga dhisayo dalka Ethiopia ayaa shalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo marka la Hirgalo dhaamkaasi lagu wado inuu Somaliland Koronto jaban uu soo gaadhsiiyo, ayaa intii munaasibadaasi socotay loogu yaboohay lacag kor u dhaafaysa $100,000 dollar, taas oo ay bixiyeen ka soo qaybgalayaashii Munaasibadaasi.

Dhaamkan laga hirgalinyo dalka Ethiopia oo la yidhaa Grand Ethiopian Millennium Dam oo ay ka soo wareegtay muddadii dhagaxdhigiisa Hal Sano ayaa munaasibada qaadhaanka loogu ururinayey oo ay soo qabanqaabisay Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, Koox Wasiiro iyo Ganacsato tiro badan.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland Mr Bereha Tesfay oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Qorshaha Shanta Sano waxa ku jira horumar balaadhan oo xaga isgaadhsiinta ah sida wadooyinka iyo wado tareenada, Caafimaadka, waxa kale oo ku jira warshado aad u waaweyn sida kuwa birta, Dharka iyo Sibidhka oo la wada hirgaliyo.

Waxa kale oo jira mashruucan aynu ka wada hadlayno ee Tamarta, waa mashruuc balaadhan oo 8 Bilyan oo Bir ku baxayso, oo u dhiganta 5 Bilyan oo dollar. Biyo xidheenku waxa uu soo galayaa ka todobaad marka la barbar dhigo kuwa aduunka iyo ka koowaad ee afrika. Waxa jira wadamo soo dirayey shuftooyin iyo Argagixiso si aanu mashruucu u hirgalin.

Mudadii Raysal Wasaaraha Ethiopia uu dhagax dhigay dhaamka waxa ka soo wareegay sanad, waxaana la hirgaliyey boqolkiiba 12%, markuu mashruucu dhamaado waxa la helayaa 6000 Megawatt Korontada ah, waxaanay soo dedejinaysaa horumarka warshadaha, waxaana ka faa’iidaysan doona wadamada Somaliland, South Sudan, Djibout.

Tusaale ahaan Warshadaha Somaliland waxa ay ka faa’iidaysan doonaan Laydhka jaban, kuwaas oo iyaguna shaqo abuuris samayn doona”

Safiiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland waxa kale oo uu intaasi ku daray in Somalia ay iyaduna ka faa’iidaysan doonto haddii ay nabad hesho, maxaa yeelay waa Mashruuc lagu Fakhri baxayo oo Ethiopia ka soo hadh hadhaya.

Ganacsatada Somaliland ee bixiyey Lacagta lagu dhisayo dhaam ku yaala dalka Ethiopia oo Korontoda Soo saara waxa ka mid ah C/qaadir Xaashi Cilmi oo bixiyey $50,000 dollar, Jaamacada Admas oo bixisay $10,000 dollar, African Express $200 dollar, Al-Nuur Furniture 250,000 Bir, waxa kale oo iyaguna lacag ku yabooxay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo Suldaan Maxamed Maxamuud oo min $1000 dollar bixiyey.

Xigasho: Haatuf

No comments: