.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, March 4, 2012

Gen, Maxamad Cali Samatar: Kuwa I Dacwaynayaa Waa LACAG-DOON.


- Dacwad socotay mudo ka badan sideed sanadood oo lagu soo oogay mid ka mid ah kuwii ugu sareeyay xukuumadii dhagar-qabtada ahayd ee Soomaaliya ka talin jirtay sanadihii u dhaxeeyay 1969-1991-kii, oo magaciisa la yidha Sareeye-guud Maxamad Cali Samatar, oo lagu soo eedeeyay inuu masuul ka ahaa dhib badan iyo xasuuq maato-lays ah oo loo gaystay dadka reer Somaliland sanadihii 1980-dii, oo haatan isagu (Cali Samatar) ugu danbayntii ka hor qirtay maxkamad ku taal dalka Maraykanku inuu QAATAY danbiga oo aanu waxba ka qabin xukunka maxkamadu ku rido. Oo idaacada Somali-voa ay waraysatay ayaa sheegay in dadka isaga dacwaynayaa ay LACAG-DOON yihiin, ee aanay ahayn kuwo haya wax cadayn ah oo danbi ah oo uu shakhsi ahaan cidnaba ka galay.

Waraysigan waxa qaadaya gabdho da' yar-yar oo aan wax badan ka ogayn waxii ka dhacay dalkii la odhan jiray Soomaaliya 1980-dii, oo hadana yaabka-yaabkii badheedhaya oo aan dhex ka ahayn waraysiga oo aad arkayso in ay u tudhayaan Cali Samatar oo su'aalahii meesha ku haboonaana ka leexanayaan. Waxa isna qaybta danbe su'aalo aad u kulul oo aad uga duwan sida Cali Samatar wax loo waydiiyay lagu qarqinayaa mid ka mid ah dhibanayaasha maxkamada soo taagay Ina-Cali Samatar.

*Dhegta maal*

No comments: