.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, February 16, 2012

Baananbaxa Garnaqsiga Iyo Gudoonka Aqoonsiga Soomaliland (Febraayo 22, 2012).


Saacidaada Eebbahay
Sandullaan ku noqon qaran
Somaliland socdaashoo
Samadaa dusheeniyo
Xiddigahay ku socotaa
Soo noqonna maysee
Kii sugaayayoow samir
Xorriyadaan sugaynay
Hadduu Saatir Nagu simay
Soomaalilaandeey hore u socoo
Ha soo noqon Soomaaliland (Aamiin)
{Erayadii Siciid Sheekh Abuubaker}.

- Bishan Febraayo dabayyaqadeeda ayaa bulshada reer Soomaliland go’aan ku gaadheen inay banaanbax loo midaysan yahay la sameeyo. Banaanbaxaasi waxaa ka soo qaybgali kara qof kasta oo ka soo jeeda Soomaliland ama dareenwadaag la leh bulshada reer Soomaliland oo iman kara goobtaas ahna xafiiska raysal wasaaraha Ingiriiska David Camaron hortiisa. Banaanbaxani maaha mid eed loogu jeedinayo qof ama bulsho ee waa mid ay bulshada reer Soomaliland ku muujinayaan dareenkooga midaysan ee qaranimada dalka Soomaliland, sidoo kalena bulshada aduunka ugu soo bandhigayaan in Soomaliland dhaaftey xilligii la gudoonsiin lahaa aqoonsi buuxda.

Caano daateyba dabadood la qabey ee tani waa fursad kale oo qaali ah hortaalana dalalka aduunku inay si geesinimo leh u gargaaraan guulaha iyo horumarka ay Soomaliland samayesay kuna abaalmariyaan aqoonsi buuxda. Banaanbaxani waa gorgortan ay ummada Soomaliland u soo bandhigayaan dalalka aduunku inay dib u eegaan xeerarka u yaala ee u suurtogaliyey inay aqoonsi buuxda siiyaan dalalka Ereteiya, Koonfurta Suudaan,Bosnia, Serbia,iwm.Isla xeerkaa laftigiisa ayaa ummada dalka reer Soomaliland siinaya aqoonsi buuxda,iyadoo waliba Soomaliland u sii dheertahay inay 26 Juun 1960 aheyd wadan ka mid ah dalalka dunida.

Dr. Edna Aadan Ismaaciil ayaa khudbad garnaqsi la yaab leh ka hor jeedisay 25 guuradii ka soo wareegtay ururka dadka madow ee Maraykanka loona yaqaan Black American Political Association of California ( BAPAC),waxaana xafladaa lagu qabtey hudheelka Biltmore ee ku yaala faras magaalaha magaalada Los Angeles ee cariga Maraykanka bishuna ku beegnayd October 4dii, 2003.

Dr. Adna waxay haysay markaa xilka wasiirka arimaha dibada ee dalka Soomaliland, waxaanay khudbadeedii ku bilawday : “Ladies and gentlemen let me clarify this from the outset: I do not come from Somalia. I come from the Republic of Somaliland”. Halkaa markay mareyso ayey Dr. Adna u faahfaahisay tilmaanta gaarka u ah ee dalka Soomaliland leeyahay waxaanay tidhi iyadoo khudbadii sii wadata: “which is that peaceful, stable, democratic and independent country next door that very little is known about and whose achievements I am proud to present to you today”.

Waxaa bulshada reer Soomaliland ay banaanbaxan ku taageerayaan dareenkaa ay Dr. Adna aduunweynaha la wadaageysay xilligaa.

Dunidan xaq u dirirkoow
Soomaliland dalkeeda Lagu daaqaa nabad wacan
Miyeydaan dareemayn calankooda dul sudhan
Miyeydaan dareemayn doorashada xoriyada
Miyeydaan dareemayn daganida dalkooga
Soomaliland dadaalkaa la duudsiyey
Aqoonsiga dawladnimo waa in loogu dadaalaa
{Erayadii: Jamaal Cali Xuseen}

Sidoo kale ayaa banaanbaxani u yahay garnaqsi ay ummada reer Soomaliland u soo jeedinaysoo walaalahooga reer Soomaaliya ee ay markii horeba reer Soomaliland ku biireen maantana u sheegayaan inay gooni ula baxeen dalkoogii. Waxaanay reer Soomaliland u rajaynayaan guul iyo barwaaqo inay gaadhaan bulshada reer Soomaaliya. Ficil ahaan bulshada reer Soomaliland waa kuwii kaalin laxaad leh ka qaatey abaarihii ku habsadey ee deeq ka gaystay, sidaas si la mid ahna waxay bulshada reer Somaliland diyaar ula yihiin inay reer Soomaaliya ku garab istaagaan siday nabadgalyo u heli lahaayeen.

Waxaase aan marna gorgortan gali karin oo ah inay reer Soomaaliya gartaan in Soomaliland dhaqaaqdey aaney la midoobeyn reer Soomaliya mar danbe:

Haddii gacalku is dulqumo digada waa kala rogtaa
Dawlad Soomaaliland maxaa lagu diidan yahay
Dadkaygu hadduu tashadey maxaa loo daba socdaa
Daraad waxaan tabanayey iyo shantaan isla doonayey iyo
Dareenkii lixdameeyadii hadduu Dayaxoodu dhacey
Damiirkii shalay i barey inaan labada isku daro
Maantada dibu-gurashio iyo dudada xidha buu i yidhi
{Abwaan Cali Seenyo}

Banaanbaxaasi waa mid mudan in la taageero, laguna kaalmeeyo dadweynaha iyo ururada is xilqaadey ee soo qabanqaabiyey.

''Guul iyo Barwaaqo Somaliland''

F.G; Akhri khudbada Dr.Adna oo dhamaystiran:
 http://www.somalilandnews.com/la/edna_la.htm

Qalinkii iyo Tifatirkii :
Bahda Mareegta Farshaxan
http://www.farshaxan.com/ ama http://www.farshaxan.org/

----

Tixraac:
-Qolka Kaydka ee Mareegta Farshaxan
-Mareegaha Somalilandnews, Hadhwanaag, Oodweynenews, Farshaxan

No comments: