.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 17, 2012

Qaramada Midoobay Ma Taageerayaan Cid Fidmo Ka Abuuraysa Somaliland.


- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay qaramada midoobay taageersanayd in la khalkhalgeliyo nabadgelyada dalka, waxaanu tilmaamay inay qaramada midoobay u cadaysay mowqifkeeda shirka Taleex. Wasiirka arrimaha dibada wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaarka Hargeysa ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu muddo sadex maalmood ah ugu maqnaa magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirku wuxuu ka hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan halkan shacbiga Somaliland uga sheego mowqifka Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee weerarkii dhawaan ay maleeshiyo hubaysani ay ku soo qaaday Somaliland, gaar ahaan degmada Buuhoodle iyo dhaqdhaqaaqa kale ee siyaasiga ah ee ka socda Somaliland ee dadka qaar ku doonayaan inay majaro habaabiyaan midnimada qaranka Somaliland. Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa waxay caddaysay inay taageersan tahay nabad-gelyada oo aanay ogolayn cid waxyeelaysa midnimada iyo wada jirka arrimaha Somaliland ee nabad-gelyada ku dhisan.”

“Waxaanu ugu baaqaynaa kooxaha hubaysan ee nabad-gelyo darradda ka wada meelo ka mid ah Somaliland inay ka waantoobaan colaada oo wixii ay qabaanna ee fikir ah nabadgelyo lagu dhameeyo,”Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.--- S/l.Org

No comments: