.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 23, 2012

Madaxtootaydu Way Ka Badheedhay Inay Reer Gabiley Ku Ihaanaysato Codkoodii.!


- Fal kasta oo bani’aadamku ka gaysto bay’adda ama dabeecadda degaankiisa, isagoo adeegsanaya awooddiisa “Khayraadkiisa” kala duwan si uu waxtar ugu yeesho xaaladihiisa nololeed waxa ka dhasha natiijo ugu fadhida qiimo dhaqaale. Qiimaha natiijooyinku waxay u kala muhiimsan yihiin heerarka baahida loo qabo, cadadka & nooca awoodaha loo huray, waqtiga lala beegsaday iyo goobaha laga fuliyey. Sababahaas dartood ayey bani’aadamka lagama maarmaan ugu noqotay inay qaybsadaan cid walbana u qeexnaato awoodaha iyo masuuliyaduhu, tacabka galayaana noqdo wax cayiman, falka la fulinayaana xulasho ku yimaaddo, goobtiisa iyo goortiisana lagu heshiiyo. Marka ay tallaabooyinkaasi sugnaadaan waxa dhacday shaqo lagu xisaabtamay qiimaheeda, waana tan keentay in ay ummaduhu ku kala duwanaadaan heerarka quwadaha dhaqaale iyo xaaladaha nololeed ee qaaradaha, dalalka ama degaanada.

Waxa dalkeenna Somaliland guud ahaan, iyo degaanka Gabiley gaar ahaan ku soo noqnoqday beryahan dambe in masuul kalidii ahi noqday kan is-sharciyeeyey, isagu xushay waxa uu falayo, isagu gacantiisa ku fuliyey, isagu baadhitaan/dabagal isku sameeyey, isagu is xisaabiyey, haddana isqiimeeyey dabadeedna naftiisa ugu bogaadiyey. Xafladdii ugu dambaysay ee ay lix wasiir, janannada ciidammada iyo Madaxwayne xigeenku markii shanaad xadhigga kaga jareen qol kaliya oo laga dhisay D/hoose, waxay ahayd olole gurmad ah oo loo soo agaasimay in lagu xaqiro looguna quus gooyo golaha degaanka ee Gabiley oo cabasho ka muujinayey qaabkii sharci darrada ahayd ee dawladdu u eriday mayor-kii shaqaynayey una afduubtay nidaamkii isbaddalka hoggaanka bishii may 2011kii.

Xafladdaasi dawladdu waxay u dhacday qaab masraxiyadeed farshaxankeedu sarreeyey iyo sifo milgaha dawladnimo iyo damiirka shacbiga reer Gabileyba ihaano iyo gef ku noqotay, una dhandhamaysay dhoollatus siyaasadeed oo aan ilaa maanta la garan cid uu ku wajahnaa. Is-muujintan oo waliba muddo ka sii socotay hotel-lo caasimadda ku yaalla ayuu hogaamiyihii qarankuna uu khudbaddiisii baarlamaanka si cad ugu taageeray. Haddaba waxqabadka loogu dabbaal degayey qolkaa yar muddada dheer ma yahay mid bulshada degaanka ee lagu magac dhabayo wax uga taraya dhibaatooyinka ka haysta nolosha (soo saarka cuntada), adeegyada bulshada ee loo yaqaano “Asaasiyaadka” iyo boqollaalka qoys ee ku barakacay abaaraha iyo colaadaha sokeeyey?

Haddii aynu ku macnayno in dhismaha qolkan yari anfac u yeelan lahaa fadhiyada golaha degaanka, waxan ognahay in golahan la dulmiyey badhtamihii 2006dii, lana duudsiyey aakhirkii 2008dii, iyadoo lagu dullaystay badhtamihii May, 2011 dabadeedna daaqadda lagaga tuuray xafladdii waynayd ee daahdurka qolkaasi ugu dambaysay. Sidaa daraadeed waxan ku sifayn karnaa in qolkan arrinkiisu daarran yahay ujeeddo ka fog waxtar reer Gabiley loogu manno sheegto.

Ugu dambayn, sharaf dhaca iyo bah-dilaaddaa loola badheedhay damiirka shacbiga degaanka waxa gabbaad looga dhiganayaa jiritaanka magac u yaalka gole degaan oo fashilmay, waxanan u soo jeedin lahaa kuwa dhegxumada dugsanayaa inay ku dhiirradaan inay u madax banneeyaan dawladda iyo cidda ay ku adeeganayso danahooda ama ay u caddeeyaan shacbigooda qaybta ay ku leeyihiin falalka musuqa ah ee iyaga dartood lagu xalaalaysanayo.

W/q: Maxamuud Aw Cabdi Maxamed
(Gabiley/Somaliland)

No comments: