.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 24, 2012

NEW: Hees Jacayl ah ''Laab-qaad''


- Erayo lud leh, tududcyo laf leh oo isku lamaan iyo hees jacayl ah oo uu isku bilkaydiyay ninka magaciisu hoosta ku qoran yahay, oo ah isagu, nin madalaha suugaanta aan qajeel ka ag fogaan ee aad ugu dhaw-dhaw, ha yeeshee aan weli wax badan oo la taaban karo ku darsan. Ayaa midhaha heestan maanta isku soo yabyabay, oo erayo af-guriyeed iyo mid dhaqameedba ku nudan yihiin inoogu deeqay  ee bal dadwaynoow nala daya!

Heestu waa jacayl, waa Sedex bayt-lay, uu bayt-kastaaba si farshaxan-nimo dheeraad ahi ay ka muuqato looga soo jeebay inta ugu mudan nolosha reer Somaliland. Tusaale, Bayt-ka u horeeya ee bilowga heestu waxa uu ka anbaqaadsan yahay quruxda iyo qiimaha ay leeyihiin xoolaheenu, oo gabadha la ag-dhigayaa, ka labaadna beeraheena, ka sedexaadna qaranka Somaliland. 

''Akhris Xiiso leh'' 

- I-laab qaaday adiguyee
          Sida Lo'da qadawgoo;

Xarfo qooqday iyo baad
         Qoyan goosanaysoo;

Qoobku rayska ugu jiro
          Jidhaan xareedu qalac tidhi;

Oon qadoodi iyo Oon
          Abidkeedba weli qaban;


Quruxdeedii leedahoo
          Qaadir kuugu yaboohee;


Qancisaye naftaydii.
          Kaalayoo wax ila qabo.


**** ****


- Qaaliyada dushaa sare
          Ama qaranka Madarkiyo;


Qardo galaha dhuuxa ah
          Hornog Qoodi iyo Booy;


Qindi lagu cidaadoo
          Shini qadin ah biqilkeed;


Qacda waaga mayay helay
          Ay cadceedi qabatoo;


Dhegta qoyan faalaadhuhu
          ka qandoodayaan baad;


Qamareey ka dhigantee
          Kaalayoo wax ila qabo.


**** ****


- Quruumaha dhexee York (UN)
          Qaaradahan aduunyada


Oo Soomaalilaan Qirra
          Qaran buuxa inay tahay;


Qolqolada dhulkeenii
          Kal quluubtu furantay;


Warkan qaayahiisana
          Dadku uu ku qaabilay;


Oo Qoobka iyo jaan
          Sacabkuna is -qaataad;


Qiimaheedii leedee
          Kaalayoo wax ila qabo.


W/t: Cali Cumar Xasan

No comments: