.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, December 18, 2011

Taliyaha Cusub Ee Ciidanka Qaranka Oo U Digay Maamulka Puntland, Gabiley-na Ku Canaantay Dilkii Saameel iyo....


Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif) ayaa maamul goboleedka Puntland uga digay sheegashada xuduuda dhulka Somaliland, waxaanu tilmaamay in aan ciidanka Somaliland dagaal cidna ku qaadayn, balse ay ka go’antahay inay ilaashadaan xuduudooda. Gen. Maxamed Xasan Jidhif ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in aan lahayn cidii geysatay dilkii Seemaal, isla markaana sheegay in dadkii dilkaa geystay la iska soo dhex qabto. Taliye Jidhif ayaa sidaasi ku sheegay Munaasibad ay xilka kagala wareegayey Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani oo shalay lagu qabtay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka, ayaa sidoo kale kaga hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia.

Ugu horayna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu halkan (Taliska ciidanka Qaranka) qadar Alle ayaan ku imid oo olole umaan galin, meel yar oo qabow oo reer Nebi Ciise ah-na waan iska joogay (Hay’adda uu hore uga shaqeynayey) oo aan dhib lahayn, laakiin hawsha qaranku haddii ay kaa maarmi waydo in la qabto ayay noqonaysaa, halkaa hore shan maalmood ayaan shaqeynayey laba maalmoodna waan nasanayey, laakiin halkan lama nasto”.

Col. Jidhif waxa kale oo uu wax ka taataabtay taariikhdiisa iyo khibrada uu u leeyahay maamulka ciidamadda, waxaanu yidhi “Taariikhdayda laba kalmadood ayaan ka odhanayaa, Iskuulka Camuud ayaan ka soo baxay, iskuulka farsamada ee Burco ayaan ka soo baxay, Ruushka ayaan saddex sano tagay, waan soo noqday, afar sanadood ayaa dib la iigu celiyey, markaa 7 sanadood ayaan wadanka Ruushka joogay, daartan aad joogtaan anigaa dhisay (Dhismaha taliska guud ee ciidanka qaranka), guusha la gaadhayna aad ayaan ugu faraxsanahay, taliska ciidanka qarankuna si wanaagsan ayay xilka noogu wareejiyeen oo ay noo soo dhaweeyeen, waanan u mahad-celinayaa.”

Gen. Jidhif mar uu ka hadlayey xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia, waxa uu yidhi “Dawladda Itoobiya oo aynu walaalo nahay oo aynu wada shaqayn leenahay oo barigii hore la isku keen diri jiray laakiin aanu ogaanay inaynaan walaal kale lahayn, waxaan ku rajo-weynahay inaan sii balaadhin doono walaalnimadeena”.

Taliyaha oo fariin u diraya Maamulka Puntland waxa uu yidhi “Puntland waxaan leeyahay Puntland idiinkaa la baxay oo anagu idiinma diidayno oo dastuur-baad wadataan, waxaad wadataan xisbiyo badan, idiinma diidayno oo waanu idinku hambalyeynaynaa, laakiin dhibaatada ina kala haysataa waxa weeyaan marka la dafiro, adduunyadu xadka Somaliland halkay u taqaanay, Cabdisamad Cali Shire waa ninkii ciidankan geeyay Laascaanood, waxa laga yaabaa inay gardaro ku dhacday, saaxiibkay Cabdilaahi Ilka-jiir waa Wasiirka arimaha gudaha halkan ayuu joogay, aniga Madaxwaynuhu imuu amrin inaan dagaal gallo oo been ka sheegi maayo, laakiin wadan aan ciidan lahayn wadan maaha, anaga uun hanagu dheginee haddii aan idiku qatalaney shantii Somaliyeed Djibouti, NFD, Itoobiya ayaa ahayd anaga hanagu dhagina imtixaan-baad tihiine oo na sii daaya, markaa Madaxwaynuhu amar-buu isoo siiyay ah ciidan nabad galyo ayaad tahay cidna ha doonanin Soomali dhimata ma doonayno oo Islaam dhinta ma doonayno, laakiin sunaha ama dabeecada ayaa ah in wadan ciidan lahaado taas ayaa na fareysa laakiin ma jirto cid aanu ku duulimaad nahay, adduunkana sidaas ayaan u sheegaynaa.

Marka aan sidaa idhaahdo inaan baqay yaan la moodin, anigu nin baqa ma ihi, haddii la isku kay soo qaado dhinicii la doonaba ha laga yimaadee anigu ma joogsado, markaa waxaan leeyahay walaalnimadeena iyo Islaamnimadeena, laakiin haddii aad nagu dhegtaan waanu iska kiin furfuri (Puntland), Itoobiyana waxaanu leenahay haddii aanu gar-daranahay na qabta haddii lanaga gar-daran yahayna noo hiiliya”.

Taliyuhu waxa kale oo uu intaa ku daray oo uu yidhi “Reer Sool waxaan leeyahay walaalo ayaynu nahay ee yaan la isku keen dirin, ciidankeyguna idinlama dagaalamayo, laakiin waxay ilaalinayaan xadka, dadka ay la joogaana waxaanu u aragnay inay dadkayagii yihiin, wayna ahaan jireen, waxaanu Madaxwaynuhu i soo faray in gogoshii nabada la soo dhaweeyo, gogosha nabadana lama soo diido, haddii aad diidana halka aad gaadheysana ma garanayo, aniga haddii wax la igu bilaabana waan soconayaa baddu ha isoo celiso, wadanku ha isku mid noqdo.”

General Jidhif mar uu ka hadlayey dadkii dhwaan lagu dilay deegaanka Seemaal, waxa u yidhi “Ragga dhintay Nuux baa ugu xigay, wax loo baahnaana may ahayn, wax waa la dilaa, laakiin waxa la inagula yaabi doonaa wixii wax dilay ma hayno marka la yidhaahdo oo taas ayaa xun, qofka wax dilayna koleyba cadaabtuu tagayaaye hala iska soo qabto”.

Taliyaha cusub ee ciidanka qaranku waxa kale oo uu fariin adag u diray reer Gabiley, isaga oo arintaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Gabiley-na waxaan leeyahay Af-weyne ayaa idin habaarey oo yidhi Shaydaan-baa idinku dhuusay ee imikana maxaa idinku dhuusay, rabshada inaga daaya dawlad bayno nahay, mudaharaadku waa caadi oo waxba kama qabno, laakiin mudaharaad salmi ah oo dawlada la waydiistay, haddii aad na weydiisan waydaan imika ayaan sii sheegayaa haddii aan Gabiley xukumi kari waayo meel kale taggi maayo, anigana waad I taqaanaan oo Albaabada ayaan idiin xidhi haddii waxaasi sii socda, wixii abtiyaashay ku dhacayna waanu ka xunahay, dadka dhintayna waanu Tacsiyadeynaynaa”.

Wasiirka Wasaarada Gaashaan dhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo gebo gebadii munaasibada xil wareejintaasi ka hadlay ayaa ku amaanay waxqabadkii uu hirgeliyay taliyaha xilka wareejiyay Gen. Nuux Ismaaciil Taani, waxaanu Ilaahay uga baryay inuu taliyaha cusub oo hawshan aqoonteeda leh uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee dusha laga saaray .

Xigasho: Haatuf

No comments: