.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, December 20, 2011

Mr. Axmed Mux' ed Madar: Dawladaha Hoose Ayaa Ugu Musuq Badan Dalkeena.


Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Mr. Axmed Muxumed Madar, ayaa daaha ka fayday in dawladaha hoose ee dalku yihiin meelaha ugu musuqmaasuqa badan Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay in dadweynuhu khaatiyaan ka taagan yihiin xatooyada iyo maamul-xumooyinka aafeeyey.

Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyey in Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuq uu si gaar ah isha ugu hayo dawladaha hoose iyo hay’adaha dalka ee musuqa iyo xatooyada xoolaha ummadda caadaystay, waxaannu si gaar ah farta ugu goday maamullada dawladaha hoose ee dalka Somaliland.

“Dawladaha hoose waa meelaha ugu badan Somaliland ee musuqmaasuqu naafeeyey, maamulka talada dalka haya ayaana looga baahan yahay inuu wax ka qabto oo nadiifiyo musuqa iyo isku qasnaanta ka jirta dawladaha hoose, dadka oo dhanna khaatiyaan bay ka taagan yihiin maamul-xumada iyo musuqa ka jira hay’adaha dawladda qaar ka mid ah.

Komishankankayagu meelaha ugu horreeya ee aannu shaqadayada ka bilaabayno waa dawladaha hoose, sababtoo ah waa hay’adaha muddada dheer jiray, cidna aanay la xisabtamin, taasina waxay sababtay in musuqa iyo maamul-xumadu ku baahaan.

Golayasha degaanka ee la soo dooran doono ayaannu ka rajaynaynaa inay sidan dhaamaan oo ku dhaqmaan maamul-wanaag iyo musuqmaasuq la’aan, annaguna door baannu ka qaadan doonaa sidaannu u toosin lahayn meelaha maamulku ka qalloocan yahay,” ayuu yidhi Guddoomiye Madar oo u warramay shalay weriye Shiine Cilmi Kaahin oo ka tirsan shabakadda wararka afka Ingiriisida ee Somalilandpress.com.

Mr. Axmed Muxumed Madar waxa uu ka sheekeeyey sababaha keenay abuurista Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo ah hay’addii ugu horreeyey nooceeda ee Somaliland laga sameeyo, waxaannu iftiimiyey inay ka mid ahayd ballanqaadyadii Madaxweyne Siilaanyo waqtigii lagu gudo jiray ololihii doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 26 June 2010.

“Komishankii hadda waa la sameeyey, tallaabada xigtaana waxa weeye sidii loo dhisi lahaa sharcigii lagu dhaqi lahaa, waxaanan u gudbinay hay’adaha ku shaqada leh si loo ansixiyo,” ayuu yidhi Mr. Axmed Muxumed Madar.

Sidoo kale, waxa uu xusay in dhibaatooyinka ilaa hadda haysta xafiiskiisa ka mid yihiin imkaaniyaadkii ay ku shaqayn lahaayeen oo aan u dhammaystirnayn; waxaannu sheegay inay hadda ku hawlgalaan dhaqaale aan hawlqabadkooda ku fillayn oo faro-guudkood ah oo dawladdu siiso.

Waxa kaloo uu tilmaamay in caqabadaha kalee haysta hay’addiisa ka mid yihiin shaqaalaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa oo u badan dhallinyaro, una baahan tababarro iyo aqoon dheeraad ah oo la siiyo si ay shaqo qurux badan u gutaan.

No comments: