.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, December 23, 2011

Maamulka Deg, Geedbalaadh Oo Ka Waramay Wax-qabadkooda iyo Waayaha Guud ee Degmada Geedbalaadh..


- Maamulka Degmadda Geed-balaadh ayaa hirgaliyay Dhismihii ugu horeeyay ee Dawlada Hoose ee Degmadda Geedbalaadh laga yagleelay kaasi oo dhismihisu gabo gabo ku dhawyahay , Gudoomiyaha Degmadaasi oo u waramay Shabakadda Caalamiga ah ee Timacade News, ayaa sheegay in Hirgalinta Dhismahan aanay Ciddina ka Caawin isla markaana ay Degmada Geedbalaadh hirgalisay dhisme wax wayn ka tari doona Xafiisyadda Maamulka Dawlada Hoose ee Degmada Geedbalaadh.

Gudoomiyaha Degmada Geed-balaadh Ciise Cabdi Jaamac ayaa sharaxaad ka bixiyay Xaalada Guud ee Degmada Geelbalaadh isla markaana Xusay in Degmada Geedbalaadh hodan ku tahay Wax-soo saarka sida Khudaarta iyo Noocyada kala duwan ee Rashinka sida Hadhuudhka, Arabikhida, Digirka iyo Bariiska oo uu sheegay in uu sifiican uga baxay Degmada Geedbalaadh oo beero dhawr ah laga Beeray, tijaabadiisuna si fiican uga hirgashay Degmada.

Read more:

No comments: