.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, December 19, 2011

Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Guddoomiyaha Urur Diimeedka Xisbulaahi Iyo Arimaha Lagu Haysto.


“Hadii ay Diinta ka shaqaynayso dalka ha ka qabato dadka kuwa dhiig miiratada ah ee dadka diinta ku baadhanaya''

Ciidamada Amaanka ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii urur Diimeedka Xisbulaahi Sheekh Maxamuud C/laahi Geele, kaas oo la sheegay in Ciidamada Bileysku ay habeenadii ugu dambeeyey baadi goob ugu jireen qabashadiisa kadib markii Wasaarada Arrimaha Guduhu soo saartay Amar lagu xidho ayay Ciidamada amaanku Xalay gacanta ku dhigeen, isla markaana u gudbiyeen xarunta Dambi Baadhista ee CID-da.

Sheekh Maxamuud ayaa 11-kii bishan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur Diimeed la magac baxay Xisbulaahi, kaas oo munaasibadii furitaanka Urur diimeedkaasi ka sheegay in Dastuurka Somaliland uu yahay mid Xaaraan ah oo aanay ahayn in lagu dhaqmo, isla markaana maalmihii ugu dambeey warbaahinta u marinayey eedo uu ku durayo xukuumada oo uu ku sheegayo in wasaarada diinta iyo Awqaaftu ay ka gaabisay hawlihii Diinta ee ay u xil saarnayd, mar uu todobaadkii hore ka hadlayey arimahaasina waxa uu yidhi;

“Wasaaradda Diinta iyo Awqaafto hadii ay Diinta ka shaqaynayso dadka ha ka qabato dadka kuwa dhiig miiratada ah ee dadka diinta ku baadhanaya, hadii ay Diinta ka shaqaynayaana waxay wax ka qaban lahaayeen maalin walba Suuqa ayaa Diinta iyo ILAAHAY lagu caayaa, waxay leeyihin Dalka ayaanu diinta uga wakiil nahay miyey shareecada islaamka ku xukumaan. Nimanka Timo weynta ah ee hadlayna waxaan leeyahay Siyaaradiinna iska gurta awalba Gofane dadka ku nool ayaad ahaydeene.

Ballan Waxaan ku qaadayaa ilaa ay Shareecadu Guulaysato ama aan ka dhimanyo in aanan Bun ka dhimin, Umadana Qaanuunka ha lagu Xukumo ayaan leeyahay oo Qaanuunkan Baadilka ah ee aad Samaysateena ka daaya, taas ayaana la igu Xidhayey Ilaa Siyaad Barre oo aan lahaa.

Waxay leeyihiin waa la xidhayaa annigu xadhig kama baqanayno ilaa Siyaad Barre, Daahir Rayaale ayaa la isoo xidhayey, xadhigana kuma daynayno u shaqaynta Diinta Islaamka, Xukuumadduna Bal hadii ay rag yihiin shareecada Islaamka dadka ha ku xukumaan Car”.

Dhinaca kale Wasiirka Arimaha Gudaha oo Khamiistii Haatuf wax ka waydiiyey urur diimeedka Xisbulaahi ayaa sheegay inay xukuumad ahaan uu amar ku bixiyey Sooqabashada guddoomiyaha Urur diimeedka Xisbulaahi Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle, isagoo arintaasi wasiirku ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan Bixiyey Amar Ku Saabsan Arinta Ururka Xisbulaah, Marka Aan Hubsado Inuu Fulay Amarkii, waxaanan la fadhiyaa odayaal ee igu soo celiya goor dhaw

Xigasho: Haatuf

No comments: