.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, December 25, 2011

Baahida Geedbalaadh darteed: Baaq Ku Socda Ururka Horumarinta Gabiley iyo Agagaarkeeda ee Magaciisu yahay GARDO‏


Salaama Calaykum,

Waxan baaq xoojin u ah qaylo dhaantii uu maamulka degmada Geed-balaadh soo saaray dhawaan halkan uga dirayaa Ururka loo aasaasay inuu ka shaqeeyo horumarinta guud ee gobolka Gabiley (GARDO) ee ka jira dalka Ingiriiska, oo runtii wax-qabad muuqda oo dhanka caafimaadka iyo wax-barashadaba ah tiroba dhawr goor ka hirgaliyay meelo ka mid ah gobolka Gabiley (Arabsiyo iyo Gabiley). Hawlahaa uu ururku fuliyay oo aad loogu diirsaday waxay waxtar aan la qiyaasi karin u yeesheen dadka ku nool gobolka Gabiley oo ku badhaadhay. Dadka ka qaybqaatay inay wax u qabsoomaan ururka GARDO-na waa ay ku amaanan yihiin kuna mahadsan yihiin, ilaahayna waa uu ka abaal-marin. Waana waajib la gutay.

Baahida dalkii hooyo ee jamhuuiyada diimuqraadiga ah ee Somaliland taalaa way badan tahay waana ay baahsan tahay oo lama wada dabooli karo, hase yeeshee sida dhamaanteenba la gudbooni waa inaan kolba meesha ugu daran ee horumarka taabka gaaban leh ee bulshadu ka xagal daacayo uun ka nab-nabnaa ama ka kab-kabnaa.

Todobaadkan aan ku jirno Hadaba waxa dibada u soo baxay oo dhagaha dadka ku soo dhacay qaylo-dhaantii ugu horaysay ee ay Degmada Geed-balaadh oo ka tirsan gobolka Gabiley abidkeed gargaar ku dalbato, taasi oo ah baahi ka haysa laba dhan oo kala ah wax-barashada iyo caafimaadka. Labadan waaxood ee wax-barashada iyo caafimaadku waa aasaaska nolosha oo la'aantood ma suurto gali karto nolol cuntan lehi, dal bulshadiisu aanay ka horumarin labadaa dhan-na lagama yaabo inuu tartanka aduunyadu dhan kasta ugu jirto ku guulaysto.

Sidaas darteed, in dawlada iyo dadkuba ay ku tutuunsadaan labadaa qaybood ayaa lama huraan ah, baaqan qaylo dhaanta ah ee Geed-balaadhna waa mid gar ah oo xiligiisii taagan, taas awgeeed waxan ururka horumarinta Gabiley iyo agagaarkeed ee GARDO oo loo sameeyay inuu itaalkiisa ka shaqeeyo baahiyahan oo kale ugu baaqayaa inay u dhaqaaqaan, oo ay u gurmadaan degmada da'da yar leh ee Geedbalaadh oo ay hoos yimaadaan tuulooyin badani.

Degmada Geed-balaadh waa degmo sida meelo badan oo kaleba qaranka Somaliland uu ku wacad furay oo aan ka helin haba-yaraatee waxii ay ka mudnayd, waxa taas marag kaaga ah oo aad ka qiyaas qaadan kartaa baaqan qaylo dhaanta ah ee maanta taagan, ee uu maamulka degmada Geed-balaadh dadkiisa qurba-jooga ah ugu cabanayo markuu dawladahii kala danbeeyay ee Somaliland ka quustay.

Qaranka Somaliland lagama rabo waxanu qaban karayn, waxa laga sugayay waxay ahayd bal aduun haba kaa maqnaadee inuu ugu yaraan arin lagu bad-baado oo cidhib wanaagsan leh dadka iyo dalka u keeno. Cawo-daro taana waxabad moodaa si ay wax yihiinba in aan weli la helin.

Degmada Geed-balaadh waa degmo halbawle u ah qaranka Somaliland iyo jiritaankiisa oo taariikh qadhaadh oo is daba-taal oo aad u gun-dheer ku leh halgankii SNM iyo ka horba, oo waa hoygii Jabhadii magaceeda la odhan jiray Afraad.

Degmadan Geed-balaadh waa meelihii ugu darnaa ee xasuuqii iyo gaba-gabayntii dawladii Siyaad Bare ku habsatay, waa meesha dagaaladii ugu adkaa ee ay iskaga hor-yimmaadeen xoogagii xaq u dirirka ahaa ee SNM iyo askartii Siyaad Bare sanadihii 1978-1991-kii ka dhaci jireen. Sidaas darteed waxa soo gaadhay dadka khasaare baaxad wayn leh oo aan mudo laga soo kaban karin, oo in gacmo badani wax ka qabtaan u baahan.

Gabagabada, baaqan qaylo dhaanta ah waxan ku leeyahay ururka GARDO ee qurba-jooga gobolka Gabiley iyo cidii kale ee wax tari kartaba, haloo gurmado degmada Geed-balaadh oo runtii mudo dheer keligeed lasoo daalaa dhacaysay wax ka qabashada baahiyahan ay hada dibada u soo saartay.

''Ha jirto Somaliland oo ha joogto''

Cali Cumar Xasan

No comments: