.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, October 11, 2011

Abwaan Hadraawi oo Farriin Walaaltinimo u diray Ururka Al-Shabaab: “Waxaan idiin waaninayaa waa tolniimo”

'' Baaq ''.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa markii ugu horreysay baaq iyo waano ujeeddo culus xambaarsan u diray Xarakada Al-Shabaab ee ka talisa badiba badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay in sababta uu dhambaalkan hogatusaaleha ah ugu gudbinayo ururka Al-Shabaab ay tahay mid ku sal leh tolniimo iyo walaaltinimo, isla mar ahaantaasna waxa uu ku macneeyay inay tahay mid si kal-samaan leh uu ugu nasteexaynayo dhalinyarada Xarakada Al-Shabaab...“Waxaan idiin waaninayaa waa tolniimo,” ayuu ku bilaabay farriintiisa oo uu saaka si khaas ah u soo mariyay Mareegaha WEEDHSAN. Tani waa codsi aan si nasteexo leh ugu dirayo dhalinyarada Al-Shabaab,” ayuu abwaanku raaciyay ibo-furkiisa.

Abwaan Hadraawi waxa uu sheegay inuu ku qanacsan yahay in Xarakadu aaminsan tahay in aanay diin (Islaam) ahaan bannaanayn in xaqdarro lagu dilo qof Muslim ah, maadaama ururka Al-Shabaab uu sheegay in uu u dagaallamayo diinta Islaamka, isla mar ahaantaasna ay hoggaamiyaan culimo diinta aqoon u leh.

“Haddii xamar cadow idiin joogo ummadda halkaas joogtaa ma aha cadawgiinna,” ayuu yidhi Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi, isaga oo ku ladhay, “Haddii aad dawladda la dagaallamaysaan, Dadku waa garab aad u baahan tihiin.”

Labo toddobaad ka-hor ayuu Abwaan Hadraawi dhaliil xooggan u soo jeediyay AMISOM iyo ciidamada shisheeye ee Soomaaliya jooga, isaga oo ku sifeeyay askar si arxan-darro ah u burburiyay dalkii, maati badanna ku laayay sifo sharci-darro ah.

Laakiin waxay u muuqataa in aanu maanta sidaas oo kale u hadlayn. “Dhalinyarooy, waa in ficilkiinnu ka turjumaa ujeeddada culus ee aad sheegteen inaad u dagaallamaysaan,” ayuu yidhi Hadraawi isaga oo ka duulaya macnaha xeesha fog ee aasaaska u ah diinta Islaamka.

Abwaan Hadraawi waxa uu mar kale ku celiyay naseexadiisa ku aaddan Al-Shabaab; “Dhalinyarada Shabaabka waxaan ku leeyahay oo nasteexo ah, oo walaaltinimo ah, oo tolniimo ah, haddaad cadow leedihiin, shacabka Muqdisho joogaa maaha cadowgiinna,” ayuu yidhi, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in riditaanka xabbadda ay ka horreyso astaynta cadawga ay xabbaddu ku dhacayso. “Xabbadda ka hor waa inaad calaamadisaan cadowgiinna”, ayuu mar kale Hadraawi sheegay.

Waxa kale oo uu abwaanku tilmaamay in taageerada shacabku suurtogelin karto guul u ay gaadhaan Shabaabku, sidaas daraaddeedna, aan loo baahnayn in dad kale oo Soomaali ahi ku dhintaan xabbadda ku socota cadowga. “Waxaad u dagaallamaysaan inaad Muqdisho xukuntaan, haddii aad qabsataan, aaway dadkii aad xukumi lahaydeen, miyaanay ahayn kuwa xabbaddu leynayso,” ayuu yidhi Hadraawi.

Abwaanka oo dhowaan ka soo laabtay safar uu ku tegay magaalada Muqdisho, waxa uu ballanqaaday in haddii Rabbi idmo uu dhowaan ku noqon doono halkaas, isaga oo xusay inuu safar wakhti qaadan kara ku marayo inta uu gaadhi karo, bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan gobollada Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, farriinta Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi ayaa u muuqata mid si waayeelnimo leh uga turjumaysa isku-soo-dhoweynta ummadda Soomaaliyeed, waana markii ugu horreysay ee Al-Shabaab loo mariyo warbaahinta kale ee Soomaalida dhambaal nasteexo ah oo ku salaysan walaaltinimo iyo hogatusaleyn.

Xigasho: Weedhsan Corporation.

No comments: