.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, September 22, 2011

Somaliland oo ($ 700.000) u Gaynaysa Dadka Ku Macaluulaya Xeryaha Qaxootiga ee Ku Kala Yaal Soomaaliya/Kiiniya! * BBC-Somali/ Dhegta maal*


Dad ka kooban wax-garad , Culimo iyo Abwaano reer Somaliland ah oo jooga magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa, ayaa waraysi ay idaacada BBC-Somalidu maanta la yeelatay ku sheegay, inay deeq balaadhan oo lacag ah, cadadkeeduna ka badan yahay Todoba boqol oo kun oo doolarka maraykanka ah ($ 700.000) u qaadayaan dalalka Soomaaliya iyo Kiiniya, iyaga oo deeqdaa wayn gaadhsiin doona walaalahooga reer Soomaaliya ee la isha daran macaluusha iyo abaaraha. Qaar ka mid gudidaasi lacagta qaadaysa oo BBC-Somalidu waydiisay cida gudidan wakiilatay inay tahay dawlada Somaliland iyo cid kale,  ayaa sheegay inaanay lacagtaasi ahayn mid ay shaqo ku leedahayy haba-yaraatee dawlada Somaliland, bal-se ay tahay mid shacabku iska ururiyay dabadeedna iyaga duqayti ahaan u xil-saaray gudoonsiinteeda dadka ku baahan Xeryaha qaxootiga ee Soomaaliya iyo Kiiniya.

Hoos/Sare ka dhagayso warkanoo maqal ah:

No comments: