.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, August 19, 2011

Madaxaynaha Somaliland ee mustaqbalka dhaw oo soo mudhay '' Dr Gaboose''‏


Ramadaan kariim: - Intaas ka dib, is casilaada uu xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay dalka Jamhuuriyada Somaliland mudane Dr Maxamad Cabdi Gaboose ku baaqay dhawaan, waxa ay igu dhalisay dareen laba bog leh ah, mid-i, waa ka dusha sare xiga-e ee markii u horaysayba i saaqay oo ahaa, mid huwan filan-waa iyo sakati, oon is idhi, allaylehe waax ayaa xukuumadii curdinka ahayd go'day! Waayo? Dr Gaboose aqoontiisa iyo kartida qofeed ee ban-baxday ka sokow waxa uu ahaa, nin aad iyo aad u tixgaliya madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland mudane, Axmed Siilaanyo, taasoo bilaysay calool diirani iyo kalsoonina u ahayd xukuumada mudane Siilaanyo, oo hadii uu ka tago xukuumada ay adkaanayso in ay xukuumadu hesho, nin tayadaa iyo hagar la'aantaa balaadhan u leh xukuumadan hada dalka ka talisa. Taasoo saamayn wayn ku yeelanaysa geedi socodka hawsha maamulkan Siilaanyo loo igmaday ee hada uun hayaanka dheer u xadhko xidhatay.

- Wasaarada arimaha gudahu waa mid ka mid ah wasaaradaha ugu mudan ee qaran leeyahay, hanashada ama daranyada wasaaradaasina waxay taabanaysaa, dhamaan hayadaha kale ee dalka, waana meelaha uu dal ka hano-qaado ama ka hagaaso In sidaa darteed loo helaa wasaaradaasi nin baylahdeeda bojin karaa waa ka maaran-waa. Allah magane Dr Gaboosena waxa uu ahaa nin ka mudhay jagadaasi. Taasaana ay ahayd tii i xanuujisay ee ladhka igu kicisay, ee aan is idhi, aar maxaa qaaday Dr Gaboose, tolow yuu ku halaynayaa meesha?. Ilaahay bedel khayr qaba oo bishla halkaa uu baneeyay Dr Gaboose Somaliland ha ugu bedo.

- Midka labaad, waa dareenka i saaqay qaybtiisa hoose-e, waan muusooday markii warku ku daray is casilaada Dr Gaboose inay tahay mid, hawo iyo hamo siyaasadeed salka ku haysa, oo aan habayaraatee hoos-ka cunan iyo naxli huursan lahayn, oo Dr Gaboose hunguri ka galay inuu baarka sare fuulo (waa kursiga hada uu ku fadhiyo mudane Siilaanyo-e). Markaasaan is idhi waar ma anaan garan!!! Kolkaasaa maanku i siiyay inaan aniguna itaalkayga ugu hanbalyeeyo muwaadinka xalaasha ah ee hamiyay waa Dr Gaboose-e, oon idhaahdo ' muraadkaagu Haataatu oo Haanaato'' Hel oo ha waayin.

- Gaboose waxu u heensaystay faraskiisa inuu intii iyo waxii uu u qaban jiray dadkiisa iyo dalkiisa haatan iyo dabadeedna tahan waydaarsho, waana mid mudan in lagu taageero. Xisbigiisii hore ee Qaran soo celiyaa oo huubaha ka afuufyaa, ku cusub haatan yagleelyaa oo leeda fuulyaa, waxan aaminsanahay inuu sooyaalkiisa hufan ku kasbaday dad badan quluubtooda, oo uu meel durugsan gaadhi doono oo uu yahay sidaan qabo, madaxwaynah dhaw ee mustaqbalka Somaliland.

- Gabo-gabada, waxan ku afmeerayaa maqaalka hor dhaca ah, Dr Gaboose waxa uu ka mid yahay dhuxulaha u ruuq-ruuqan qarankan Somaliland, ee uu dadkiisuna ku calool fayaw yahay inuu ka diirin doono markii loo baahdoba dhaxamaha jiilaale, ee reer Somaliland af, arin, aduun iyo adinba ha loo hagar baxo Dr Gaboose.

Somaliland ha jirto oo ha joogto.

Cali Cumar Xasan.

No comments: