.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, May 31, 2011

Hees Wadani ah: Ha Samaato Wada dhaha!



HEES




Heestan waxa sameeyay, Abwaanka da' da yar ee  C/risaaq Aadan Cumar .




Siddigteenii dhacantiyo 

Sooraan hasheenii

Hubka loo sifaystee

Soo raadinteediyo

Sahankeedii dheeraa

Sange faras u fuulee

Saynloow libaax-iyo

Ingiriis ka soomaa

Soo celisay nuuroo

Saatirkeena waynbaa

Saaka May ku beegaye

Intaad sacab garaacdaan

Sawd mida ku heestaan

Ha samaato wada dhaha.

---------- ******------------

Maandeeqdii socdaashee

Soof -daran habowdee

Soomaali midowgeed

Sabaday ku noolayd

Ay ka saartay xeradee

Miiga samada duuliyo

Saban-ada dayaamiyo

Kaaraha wax sahaydiyo

Sawaariikhda oloshiyo

Anoon zuu ka baqanayn

Seefta iyo warankiyo

Soodhka aan ku dhiciyaa

Soo celisay nuuroo

Saatirkeena waynbaa

Saaka May ku beegaye

Intaad sacab garaacdaan

Sawd midda ku heesoo

Ha samaato wada dhaha


By Cabdi-risaaq Aadan Cumar ''Gufi''


F.G; Ha la dhiiri galiyo abwaanada Cusub!

No comments: