.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 23, 2011

Hees: Gabilayeey ma nabad-baa?!


 Hees

Heestan cusub ee magaceeda la yidhaa ''Gabilayeey ma nabad-baa''  waxa midhaheeda sameeyay abwaanka da' da yar leh ee magaciisa la yidhaa, Cabdi-risaaq Aadan Cumar. Waa hees sumadii iyo sawracii qodaalnimo u idil yihiin, oo badhax la'.

''Akhris wacan.''



Caradaan gurguurtee
 - Laygu soo gardaadshiyo
- Goshii laygu dhalay iyo
 - Gurigaan ku ababaay.

Gar wadnaha ku yaal iyo
- Sambabada guntoodiyo
- Maskaxdiyo garaadkiyo
 - Gibilkiyo jidhkaygaay.

Gasiin-ka u macaaniyo
- Inta gawsku dooniyo
- Galey iyo xasiidiyo
- Garow iyo hadhuudhiyo
- Gargaar eebe keeniyo
- Gobol lagu nagaadaay.

Gulufkiyo collaadaha
- Maalintay guracantahay
- Galka seeftu qabaneen
- Gamaan aan ku duuliyo
- Gamaskiyo hubkaygaay.

Gudin iyo hangooliyo
- Inta guriga oodee
- Laga dayo gargaarkee
- Gaga madhan yagleeshaay.

Gayaan xulashadiisiyo
- Inta gabadh la-xiisiyo
- Gaari laga xishoodiyo
- Geenyo Madarka joogtiyo
- Gacal iyo xigaaleey.

An soo gaabsho hadalkee
- Heestaydu waa gaar
- Hirwadii galbeediyo
- Wuxuu gabaygu leeyahay
- Gabilayeey ma nabad-baa.

Gabalkoo dam yidhi
- Cidla' iyo gabaahiir
- Guuraha habeenimo
- Dayaxaan ku gudayaay.

Garyaqaanka beeshiyo
- Guurti lagu majeertiyo
- Beeldaaje guudiyo
- Geesi hooyadeedaay.

Marna giir sacaygiyo
- Dhiin geesa wayn iyo
- Ido gorod madaw iyo
-Geela aan ku faanaay.

Giddigeed ugaadhiyo
- Biciid gaado wayn iyo
- Geri iyo haldhaa iyo
- Garanuugta yaacdiyo
- Inta guunyo daaqdiyo
- Dooxii Goggaysiyo
- Gadab iyo Wajaalaay.

Botoroo gujoogtiyo
- Gada Arabsiyaadiyo
- Geedo wada rumaaniyo
- Bartiikh garab istaagiyo
- Canab lagu gardaadshiyo
- Digir wada guduudiyo
-Guri lagu badhaadhaay.

Hoobaanta geedkiyo
- Midhahaynu guraniyo
- Gobka aad taqaan iyo
- Geed gaabka hoosiyo
- Gombosh iyo mudhcaaniyo
- Dhafaruurta goofkiyo
- Deeq guule beeraay.

Aan soo gaabsho hadalkee
- Heestaydu waa gaar
- Hirwadii galbeediyo
- Wuxuu gabaygu leeyahay
-Gabilayeey manabad-baa.

Waxa heestan erayadeeda curiyay,
Abwaan Cabdi-risaaq Aadan Cumar.
(UK)

F.G; Ha la dhiiri galiyo hal-abuurada cusub ee da'da yar.

No comments: