.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, May 24, 2010

Saado Cali Warsame: Saca Faarso diidaa......


"Bal hala yara kala aragti duwanaado dee ilayn dadku waa Xor-e!" Cali

- Saado Cali Warsame waa gabadh, gabadh iyo Siyaasadina xiligan aan ku jiro ee kala xayashada iyo wada xajiinta ah isma gayaan oo inay kala warwareegaan ayaa haboon! Hadiiba ayse dhacdo in gabadhu ( Saado iyo gabadh kasta) wax tabato oo dareenku ku dirqiyo inay xifaaltanto, in ragu u xaytaan xaasha' e ma' aha.

- Intaas ka dib aan u noqdo heesaha dhawaanahan ay qaadaysay Fanaanada Saado Cali Warsame, ee ay qaarba si u dhacayeene, maxaa qalooc ah een qumanayn hadii gabadhu magaaladeeda u heesto oo ay tidhaa, waan ku ilaashanaynaa oo kuu noolanahay? ma waxad diiday libdhi maysid Laascaanood, mise Laba maaha dalkeenu oo midnimadii aad eeday ayaad ka urinaysaa? Mise Saca Faarso diiday................ sanduluu u soo noqon, ayaa kuula muuqatay hanajabaad iyo Kibir!

- Si kastaba ha ahaatee adigu kaad doonto diid hase yeeshee xaq bay iyadu u leedahay inay afkeeda ku amaanto dadkeeda iyo dhulkeeda, hadiibase laga khamri waayo in hadal la is dhaafsado waxa ay ku qurux badan tahay in gabadhi fal-celis wanaag iyo samo huwan samayso. Bal sheekadan hoose dhuux,-

- Guri loo dhisay dadweynaha oo lagu qabto hawlo badan oo kala wada duwan oo todobada cisho ee todobaadkaba furan, oo kolba qolo ka baxdo qaar kalena galaan. Oo casharo lagu bixiyo, maararaw waayeelku ka helo, caruuraha diimaha ama dhaqmadooda lagu baro, ayaanu fursad ka helay inaanu dhawr saacadood anaguna markayaga carooga iyo garida ka afuufno.

- Oonu caruurta afka iyo diinta iyo waxii lagu kordhin karoba ku wadwadno, waxa aanu isku mar wada nahay oo iyaguna dhankooda kaga jira gurigan dad ka soo jeeda asal ahaan Afrika, oo ka tafiirmay dadkii laga qaaday Afrika ee xooga lagu adoonsaday! diintoodu waxa ay tahay Kiristaan.

- Waxa ay nagu tumaan xiliga aanu dhigayno casharka, Musiik iyo heeso dhawaaq nagu hafiya oonu is maqli wayno anaga iyo caruurtu marmar, ma dacwoon karno oo wax qalad ah ma samaynayaan ee diintooday caabudayaan, kama guuri karno oo meel kale majiro, iyagu nagama dudi karaan, ma bedelan karo xiliga oo meesha waa lagu kala hagaagay!

- Waxanu ku qasbanahay inaanu isku ogolaano sidaanu nahay oo weliba anagu gaar ahaantayo xal keeno, kaasoo noqday inaanu markay codka dheereeyaan anaguna aan codka kicino oonu xawlalmariidyada iyo dhuunta garacno! Waa sandule iyo khasab inaanu gurigaa kalida ah ku wada danaysanaa, sidaasaanu isku qabnaa aan qumanaan iyo qaladtoona u kala soocnayn!

- Dhanka kale marka aad ka eegto wanaagna waa ku jiraa arintan oo waan is qurxinaynaa qaybahayagan kale duwani ee hada la soco! Labiska caruuraha ee ku kala salaysan diimaha iyo kutubta kala wada jaadjaadka ah waad amakaagtaa. Hadii hadaba kala duwanaansho la waayo jaad kastaba leh, ma dhadhamayso noloshu, sidaas darteed, waxan leeyahay Saado Cali Warsame iyo dad badan oo kale oo reer Somaliland ahi, haday si ay ka noqotayba inta kale ka aragti duwanaadaan, waa u xor tooda.

- Waxay kala duwanaanshahaasi kobcinayaan jiritaanka qaranka Somaliland, waa loo baahan yahay oo waa lagama maarmaan aduunyada guudkeeda inad hesho kolba wax ku dardar galiya si aanad isku dhigan!

- Sidaas darteed, yaan lagu colaysan lexejeclada ay Saado Cali Warsaame u qabto dadkeeda iyo degaankeeda, ilayn waa u xor eh!

- Gabagabada maqaalkan yar anna Itaalkayga aan intaydii yarayd een dalka ugu hiilin jiray soo murgugaafee, waxan leeyahay: ''Somaliland ha Jirto Oo ha Joogto weligeed!''

Cali Cumar Xasan

1 comment:

Anonymous said...

waa maqaal qiimo badan, halkaa ka wad hawsha waayeel. Salaama calaykum.